Madaxweynaha Kenya oo masaajidka ugu weyn dalka afur kala qayb galay Muslimiinta

Nairobi (JigjigaOnline) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa afur maanta kula qaatay Muslimiin badan oo isugu yimid Masaajidka ugu weyn dalka ee ku yaalla caasimadda Nairobi.

Muslimiinta oo soomanaa isbuucyadii la soo dhaafay ayaa madaxweynaha dalka, ku xigeenkiisa William Ruto iyo barasaabka magaalada Nairobi afur la wadaagay.

Maamulka masaajidka iyo xubno ka soo jeeda dowladda ayaa Madaxweynaha ku qaabilay masaajidka oo lagu magacaabo Jamiic.

Madaxweynaha ayaa sanadihii la soo dhaafay Muslimiinta ku casuumi jiray xarunta madaxtooyada dalka.

Tani ayaa soo jiidatay muslimiin badan oo ku nool dalka Kenya, maadama ay tahay markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha shacabka muslimiinta ah masaajidka kula afura.

Ammaanka ayaa adkaayey, iyada oo la sheegay in jidad badan oo ku xira misaajidka la xiray.

Uhuru Kenya ayaa horay Muslimiinta Afur ugu sameyn jiray xarunta madaxtooyada.