Madaxweynaha Iyo MW Xigeenka DDS Oo Eedayn Iyo Dembiyo Hor Leh U Jeediyey Madaxdii Ka Horreysay

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS ayaa sheegay in tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ay deegaanka iyo dalkaba lacag badan kaga luntay ganacsiga sharci-darrada ah, kaas oo ay fududayn jireen, qaybna ka qaadan jireen xukuumadihii hore iyo ciidamadii milateriga ee bariga dalka.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo Ku-xigeenkiisa Aadan Faarax Ibraahim oo u warramay warbaahinta dawladda ee ETV, ayaa waxay sheegeen in khasaaraha dalka kasoo gaadhay ganacsiga sharci-darrada ah tobankaas sannadood uu kor u dhaafayo 4 bilyan oo Birr.

Madaxweyne Mustafe iyo ku-xigeenkiisu waxay sheegeen in hoggaamintii hore ee deegaanka Soomaalida ay xilkii iyo masuuliyaddii ay shacabka deegaanka iyo dalkuba u dhiibteen ay meel iska dhigeen, iyagoo kaashanaya xubno ka tirsan ciidamadii qaranka ee Taliska barigana ay tobankii sannadood ee lasoo dhaafay ay ku lug lahaayeen garabsiinta ganacsiga sharci-darrada ah oo hoos u dhigay dhaqaalaha dalka, khasaare weyna uu dalka kasoo gaadhay, iyagoo jeebadda ku shubtay dakhligii waxsoosaarka ganacsiga gudaha iyo dibedda dalka kasoo xeroon lahaa ee khasnadda dawladda ku dhici lahaa.

“Ganacsiga sharci-darrada ahi waligiiba wuu jiray, dawladduna dedaal xooggan bay ku bixisay sidii ganacsiga koontarabaanka ah loo xakauyn lahaa, laakiin tobankii sannadood ee lasoo dhaafay dawladda lafteeda ayaa gacan siinaysay, waxaana si toos ah uga qayb-qaadanayey hoggaamintii sare ee deegaanka maamulaysay oo xattaa uu Madaxweynihii hore ee deegaanku ka mid yahay iyo qaar ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada difaaca laantooda Harar.” Sidaas waxa yidhi Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in inkasta oo tan iyo intii xukuumada cusub talada deegaanka la wareegtay aad loo yareeyey koontarabaanka iyo hubkii sharci-darrada ahaa ee sida ba’an deegaanka usoo geli jiray, haddana ay sugayso shaqo adag oo ah in wax laga qabto, lana sii xoojiyo la dagaallanka fawdada iyo wax walba oo nolosha shacabka DDS waxyeelayn karaya.

Madaxweyne ku-xigeenka DDS, Aadan Faarax oo isaguna u warramay EBC ayaa isaguna arrintan ka hadlay, waxaanu yidhi: “Waxaa jirtay xaalad marka la doonayo in alaabta ganacsiga koontarabaanka lasoo geliyo u sahlaysa, iyadoo ilaalada meel kale lagu qorayo ama lagu amrayo inay alaabta koontarabaanka siidaayaan oo aan labaadhin. Doorka hogaaminta iyo hay’adaha amniga DDS oo dhana wuxuu ahaa in ganacsiga sharci-darrada ah ee koontarabaanka heer dabool sare lasiiyo.”

Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Ganacsiga iyo warshadaha DDS Khadiir Cabdiraxmaan ayaa isaguna sheegay inay hogaamintii hore ee eegaanka iyo qaar kamid ah hogaaminta heer federaal iyo ciidamada qaranku xuduudaha ka gudbin jireen alaabooyinka ay ka midka yihiin dahabka, meerkuriga iyo doolarka, islamarkaana aan dawlada loo xarayn jirin.