Madaxweynaha Itoobiya oo markii u horraysay booqasho ku tagtay Kenya

Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa gaartay dalka Kenya, taas oo noqonaysa booqashadeedii rasmiga ahayd ee ugu horraysay ee ay dalkaas ku tagto, tan iyo markii xilka loo doortay sannadkii hore.

Sharciga dalka Itoobiya ayaa dhigaya in jagada madaxweynenimadu ay tahay maamuus, Ra’iisulwasaaraha ayaana awoodda siyaasadda iska leh.

Booqashadan halka maalin ah ayay ujeedadeedu tahay in ay la kulanto madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta si ay ugala xaajooto heshiis labo geesood ah iyo danaha gobolka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladda Itoobiya.

Labada dalba waxay danaynayaan in ay xoojiyaan ganacsiyada xadka isaga kala tallaaba iyo sidii ay door muhiim ah uga ciyaari lahaayeen ammaanka gobolka iyaga oo ciidammo geeyay Soomaaliya.