Madaxweynaha DDS Oo Soo Bandhigay Ficillo Ceeb Ku Ah ONLF Oo Soo Badanaya

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxwaynaha dowlada deegaanka soomaalida mudane Mustafe Muxumed cumar iyo madaxa xarunta dhaxe ee X.D.S Eng Maxamed Shaale Isaaq ayaa kaqaybgalay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu maamuusayay sanadguurada 35aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ururka ONLf.

Munaasabadan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin sare oo katirsan ururka Onlf xubnaha ururka iyo taageerayaasha ururka Onlf ee xarunta dds ee magalada jigjiga ayaa waxaa lagu soobandhigay lagagana sheekeeyey taariikhda ururka Onlf soomaray.

Xafladan ayaa waxaa qudbad muhiima kasoo jeediyay madaxwaynaha Dds mudane Mustafe Muxumed Cumar isagoo ugu horayntii ugu hambalyeeyey masuuliyiinta,xubnaha iyo taageerayaasha ururka Onlf munaasabadan 35 sano jirsatay isagoona sheegay inay farxad tahay maanta inay sinabada uugu dabaaldagan deegaankoodii mudada ay ka ahaayeen kuwo lagu tilmaamo argagixiso.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in shaqsiyaadkii shalay magaca Onlf ku gumaadayay shacabka deegaanka ayna maanta ka ogolaanayn inay kusoo dhuuntaan magaca ururka Onlf loona baahan yahay in laga taxadaro.

Madaxwaynaha Dds mudane mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa cadeeyey in xisbiga dimuquradiga soomaalidu uu ku halgamayo danta iyo maseerka shacabka soomaalida isagoona adkaynaya midnimada iyo wadajirka umada soomaalida islamarkana soo dhawaynaya kala duwanaanshiyaha afkaarta kala duwan iyadoo danta guud iyo midnimada umada deegaanka soomaalida mid laga ahaado.

Dhanka kalana masuuliyiinta ururka Onlf oo munaasabadan kahadlay ayaa sheegay inay maanta munaasabadani uuga duwan tahay munaasabadihii hore maadama ay sinabadgalyo ah uugu xusayaan deegaanka sanadgurada 35aad ee aasaaska ururka Onlf,waxayna sheegeen inay dadaalkii dheeraa iyo halgankii ay soowadeen siiwadi doonaan iyooga maraya wadiiqada nabada una halgami doonaan xuquuqaha shacabka deegaanku ku leeyihiin dalkan,iyagoo sinabada uula shaqaynaya xisbiga talada haya ee deegaanka,iyo dowlada fadaralka ahba.

Masuuliyiinta ururka Onlf ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay muqadas utahay midnimada iyo wadajirka umada deegaankan dhankoda si kal iyo laaba uuga shaqaynayaan adkaynta walaltinimada shacabka deegaanka soomaalida.

Gabogabadii xuskan sanadguurada 35aad ee aasaaska ururka Onlf ayaa waxa heeso iyo suugaanba halkaasi kusoo bandhigay fanaaniin caana oo kasoo jeeda deegaanka soomaalida.

Xigasho: SRTV