Madaxweynaha DDS Oo Ka Hadlay Saddexda Deegaan Ee Cundhufa, Cadhaytu & Garba-Ciise Iyo Wada-hadallo Dhex Maray Maamulka Canfarta

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay halka ay marayaan wada-hadalladii u dhexeeyey Xukuumadda Soomaalida iyo Canfarta ee ku saabsanaa saddexda deegaan Cundhufa, Cadhaytu iyo Garba-Ciise, kuwaas oo dhawaan ay Golaha Wasiiraddu go’aan kasoo saareen.

Madaxweyne Mustafe oo waraysi siiyey wargeyska Addis Standard ayaa sheegay bilihii ugu dambeeyey lagu laayay deegaamadaas dad badan oo Soomaali ah, arrintina ahayd mid muddo soo jirtay oo aan ahayn mid cusub, waxaanu yidhi: “Ugu horayn, dad badan ayaa u haysta arrintan mid cusub oo hada dhalatay. Waxaan rabaa inaan caddeeyo in lixdii bilood ee lasoo dhaafay kaliya la dilay in kabadan 75 soomaali ah waxaana suuragala in dhanka kalana ay jirto dhimasho, majirto cid colaad iyo xaalada hada jirta ay dan u tahay.”

Madaxweyne Mustafe waxa uu sheegay in wada-hadallo ay la yeesheen madaxda Canfarta ee saddexdan degmo sheeganaya, ayna isla gaadheen af-garad la xidhiidha arrintan, waxaanu yidhi: “Waxaanu wada hadalay masuuliyiinta Deegaanka Canfarta waxaanan isla meel dhignay in arintan si degdeg ah xal looga gaadho, ma jirto dhibaato u dhaxaysa labada deegaan sida ay dad badani u turjumayaan waxaana aaminsanahay inaan waxwalba wada hadal iyo is fahan ku dhamayn karno.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qorshaha nabadda ee saddexdaas deegaan, waxaanu yidhi: “Xafiiska nabadda ayaa jeexay qorshe arrintan lagu soo afjarayo anaguna waanu isla qaadanay, walow aanan rabin inaan kahordhaco hadana waxaan kuusheegayaa in natiijadu ay tahay mid labada shacaba ay dani ugu jirto,dhawaana waxaan usoo bandhigi doonaa saxaafada iyo bulshada, ayuu yidhi madaxwayne Mustafe.