Madaxweynaha DDS Oo Isku-Shaandhayn Ku Sameeyey Golaha Wasiirrada, Xubnaha Xilalkooda Waayey Iyo Kuwa Cusub

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa isku shaandhayn ku sameeyey xukuumaddiisa, taas oo iskugu jirta kala-beddel, magacaabis cusub iyo xil wareejin.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya madaxtooyada Dawladda Deegaanka, Madaxweyne Mustafe ayaa xilkii wasiirnimo ka qaaday wasiirkii Xafiiska Xidhiidhka Dawladda (Warfaafinta) Cabdillaahi Gisinle, kaas oo la geeyey kulliyadda tababarka macallimiinta ee Dr. Cabdimajiid Xuseen oo uu ka noqon doono maareeye.

Warku waxa uu intaa ku daray in wali ay socoto isku-shaandhayntu oo ay hormadii koowaad bannaanka usoo baxday, taas oo u dhacday sidan:

  • Wasiirka Madaxtooyada – Wax isbeddel ah laguma samaynin, waxaana sii ahaanaya Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Daadhi).
  • Wasiirka Hourmarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS waxa loo magacaabay Mudane, Cabdiraxmaan Iid Daahir oo hore u joogay xafiiska TVT-ka.
  • Wasiirka Biyaha waxa loo magacaabay Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Xassan (Hurre) oo hore u ahaa wasiirka Ganacsiga DDS.
  • Wasiirka Waraabka iyo Dooxooyinka, waxa loo magacaabay Mudane Cabdisalaan Qayo, kaas oo warar kalena sheegayaan in loo magacaabay wasiirka Warfaafinta oo uu ka beddelay Cabdillaahi Gisinle.
  • Wasiirka Xafiiska Ganacsiga, waxa loo magacaabay Bashiir Shaafi oo hore u ahaa wasiirka Biyaha.
  • Wasiirka Xafiiska Waxbarashada, waxa loo magacaabay Faatax Maxamed Faatax oo hore u ahaa Wasiirka Xafiiska Ka Hortagga iyo u-diyaargarowga Masiibooyinka.
  • Wasiirka Xafiidka Jidadka, waxa loo magacaabay Mudane Rooble Bucul oo hore u ahaa Maareeyaha TTC-da.
  • Maareeyaha Kulliyadda tababarka Macallimiinta ee Dr. Cabdimajiid Xuseen, waxa loo magacaabay Mudane Cabdillaahi Gasiinle oo hore u ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Jigjiga Online dib ayay idiinka soo gudbin doontaa isku-shaandhaynta Madaxweyne Mustafe ku sameeyey xukuumaddiisa oo dhamaystiran.

Be the first to comment