Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Oo Loo Doortay Hoggaamiyaha Rajada Ee Sannadka

Bahir Dar (Jigjigaonline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa ku guuleystay abaal-marinta biladda hoggaamiyaha rajada, taas oo uu ku mutaystay shaqadii uu ka qabtay DDS muddo sannad ka yar oo uu xilka hayey.

Jaamacadda Bahir Dar ee deegaanka Axmaarada ayaa waxay madaxweynaha ku maamuustay shahaadada loo yaqaano Testa Mari (Hoggaamiyaha Rajada).

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa waxa uu abaal-marintan ku mutaystay in muddo sannad ka yar uu deegaanka soomaalida u horseeday inuu noqdo midka ugu horreeya ee ka faa’iidaysta isbeddelka ka hana qaaday guud ahaan dalka Itoobiya, kusoo dabbaalay xasillooni dhinaca ammaanka iyo dhawrista xuquuqul Insaanka.

Waxa intaa dheer in madaxweynuhu la yimid dhiirigelin uu u sameeyey dhallinyarada iyo jiilka soo kacaya, isla markaana uu soo bandhigay karti hoggaamineed oo dhawrta xuquuqda dadka, ilaalinta midnimada iyo jiritaanka dalka.

Waxa kale oo sal u ahayd in madaxweynaha la guddoonsiiyo abaal-marinta Hoggaamiyaha rajada kaalinta uu ka qaatay isku soo dhoweynta qowmiyadaha Somalida iyo Oromada, xallinta khilaafaadka iyo dhiirigelinta nabadda iyo waliba kalsoonida shacabka dhexdiisa.

Abaal-marintan oo uu Madaxweyne Mustafe guddoonsiiyey Madaxweynaha Jaamacadda Bahir Dar Dr. Ferew Tganye iyo madaxweyne ku-xigeenka Deegaanka Axmaarada mudane Lakew Ayalew ayaa waxa kale oo arrimaha uu ku mutaystay ka mid ah ilaalinta iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadinka & xilkasnimada ku aaddan habka maamulka iyo waliba hoggaaminta bulshada taas oo ay ku ladhan tahay in sharciga la dhawro.