Madaxii Hore Ee Baratakoolka Madaxtooyada DDS Oo 27 Maalmood Kaddib Maxkamad La Horkeenay & Garsooraha Oo Laba Cisho U Qabtay Furista Gal-Dacwaddeedkiisa

Jigjiga (JO) – Madaxii hore ee Baratakoolka Madaxtooyada Dawladda Deegaanka Soomaalida, Cabdiqaadir Sheekh Axmed (Bisle) ayaa maanta la keenay maxkamadda kaddib muddo 27 maalmood ah oo uu ku xidhnaa magaalada Jigjiga, iyadoo hada ka horna la diiday in la horkeeno maxkamadii ballansanayd.

Cabdiqaadir Bisle oo bilowgii bishan April la xidhay iyadoon waaran qabasho loosoo gooynin, maalmo kadibna ay ciidamo hubaysan oo walaac iyo argagax ku abuuray qoyskiisu ay u daateen gurigiisa ayaa saaka kasoo hor muuqday maxkamadda isaga oo katiinadaysan.

Eedaysanahan oo dhawr jeer oo hore ay garsoorku dalbadeen in la hor keeno maxkammada ay dembi-baadhistu ka meeraysteen ayey maxkamaddu ka dalbatay xeer ilaalinta inay maxkamadda horkeenaan Cabdiqaadir Bisle oo tan iyo markii la xidhay lagu hayay qol madow oo aan loo ogolayn inay ehelladiisa iyo qareenadiisu soo booqdaan, waxaana garsoorka si xun ugu jawaabay Dembi-baadhihii gacanta ku hayay kiiska oo u sheegay in xilliga uu doono uu keenayo, taas oo walaac ku abuurtay qoyska iyo ehellada Bisle oo laba jeer oo hore oo ay dalbadeen in damaanad loogu sii daayo uu hor istaagay Kommiishinka booliska deegaanku.

Markii ay maxkammadu amartay in damaanad lagu sii daayase uu komishaneerka deegaanku hor istaagay sii dayntiida iyagoo ku mar marsiiyooday ‘kor baa laga diiday’ ulana jeeda xarunta Madaxtooyada.

Xeer ilaalinta deegaanka ayaa maxkamadda ka hor akhriyey fal dembiyeedka uu ku eedaysan yahay Cabdiqaadir Bisle oo ay yidhaahdeen ‘kicin iyo abaabul’ sina uga duwanaa midkii uu hore Madaxweyne Mustafe warbaahinta uga sheegay ee ahaa inuu ku lug lahaa qalalaase siyaasadeed xagga uu dad kalena u sheegay inuu qayb ka ahaa waxa uu ku tilmaamey afgembi iyo dil madaxweyne, hasa-yeeshee, garsooraha Maxkamadda ayaa ka dalbaday inay keenaan caddaymaha ay hayaan ee muujinaya dembiyada ay kusoo eedeeyeen xeer ilaalintu.

Waxaa sidoo kale xaakimka gacanta laga geliyey gal-dacwadeedka oo madhan oo aanay ku jirin wax caddaymo ah oo muujinaya dembiyada lagu eedeeyey Cabdiqaadir Bisle, waxaana intaas kaddib uu garsooruhu maxkamadda horteeda ku weydiiyey xeer ilaalinta inay soo bandhigaan caddaymaha ay hayaan ilaa haatan. Hasa-yeeshee, waxa ay xeer-ilaalintu ku doodeen inay wali ku gudo jiraan soo ururinta cadaymihii haatana aanay gacanta ku hayn wax dhamaystiran.

Haddaba, sida ay Jigjiga Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo goob-joog ka ahaa madashii dhegaysiga dacwadda, xeer ilaalinta ayaa dalbatay in lasiiyo waqti laba todobaad oo dheeri ah oo ay kusoo dhamaystiraan baadhitaankooda muddadaasina uu maxbuus usii ahaado eedaysanuh, laakiin waxa arinkaasi ka diiday xaakimkii oo sheegay inaanay sharci ahayn in kolba wakhti korodhsi la iska dalbado oo muwaadinka xuquuqdiisa dastuuriga ah meel looga dhaco, isla markaana uu siinayo muddo laba maalmood ah oo ay kusoo qabsadaan hawshooda.

Waxa kale oo ay maxkammada garsoorku uga digtay booliska iyo xeer-ilaalinta deegaanka in mar labaad aanay dhicin in eedaysanaha maxkamada la keeni waayo oo ay ku qasban yihiin in laba maalmood kaddib lakeeno haddii kalena ay maxkammadu qaadanayso talaabada kale ee ay awoodda u leedahay.

Qoyska Cabdiqaadir Bisle ayaa rumaysan in kiiska iyo eedaha loo soo jeedinayo ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo Madaxweyne Mustafe uu u xidhan yahay, waxayse kalsooni ka muujiyeen garsoorka deegaanka oo ay caddaalad uga fadhiyaan.

Cabdiqaadir Bisle ayaa waxa uu ka mid ahaa saddex masuul oo Madaxweyne Mustafe uu xidhay horraantii bishan, waxaana ku jiray Hoggaankii Nabadgelyada deegaanka Cabdicaadil iyo Lataliyihii Madaxweynaha ee dhinaca saxaafadda Maxamed Colaad oo markii ay habeen xidhnaa lasii daayey.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaan degganayn bilihii ugu dambeeyey, waxaana soo baxayay fadeexado maamul, ku-tagrifal hanti umadeed iyo kali maroorsi awoodeed oo ay ku lug leeyihiin Madaxweynaha iyo xubnaha ugu sarreeya xukuumaddiisa, taas oo keentay in khilaaf uu soo kala dhexgalo Mustafe iyo dhamaan masuumiyiinta ugu sarraysa deegaanka iyo waliba hay’adaha kala duwan ee dawliga ah.

Be the first to comment