Maalqabeen 50,000 doolar ku iibsaday mir aanan micno badan ku fadhin

Nooc ka mid ah qudaarta ayaa waxa lagu iibsaday lacag gaaraysa 50,000 doolar dalka Thailand, taas oo ah qaab xaraash ah oo loogu talagalay in loo bixiyo si sadaqo ah.

Waxyaabaha dadka soo jiitay waxay aheyd suurtagalnimada ah in qiimo intaas la eg la siisto mirtan maadama markii hore aysan aheyn mid qaali ah.

Qudaartan ayaa loo yaqanaa boqorka qudaarta, waana mid badan oo si weyn laisugu soo baxay.

Meeqa ayaa lagu iibsanayaa? waxaa ka jawaabay nin taajir ah oo jacel cuntada una dhashay Thailand maalintii Sabtida ahayd.

Mirahan oo qodaxa leh ayaa aad looga hadal haya qaaradda Aasiya, balse labo uun waa mid inaad jeclaato ama aad nacdo.

Waxaa laga mamnuucay in lagu qaado gaadiidka dadweynaha ama diyaarad ama la geeyo huteelada.

Warbaahinta waxay tebiyeen in xarunta xaraashka lagu samaynayey ay ku sugnaayeen malqabeenno u dhashay dalka Thailand.

Waxaa la sheegay in qudaartan la iibiyo lacag gaaraysa 50 ilaa 100 doolar, balse tan ayaa ka yaabisay dad badan markii ay arkeen nin taajiir ah 50 kun doolar ku iibsnayo qudaartan.