Ma Diidnaa Kalidii-Talisnimo Hada Uun Curdina Oo Ma Curyaaminaa?

Qoraa magiciisa la yidhaa Timothy Snyder ayaa waxa uu qoray buug uu ugu magacdaray Kalidii-Talismimada: Labaatan Duruusood oo laga Baran karo Qarnigii Labaatanaad.

Timothy Snyder waxa uu buugaas kaga hadlay casharada laga baran karo sidii Nazism-kii iyo kalidii-talisnimadu ugu faaftay bariga Yurub iyo sida dimuqraadiyadu ay ku baabi’i karto. Waxa kale oo uu kaga hadlayaa sidii looga hor tagi lahaa wakhtigan casriga ah in nidaam kalidii-talisnimo ku sifoobay uu xididaysto.

Winston Churchil baana laga hayaa inuu hada ka hor yidhi hadal u dhow ‘hanaanka dimuqraadiyadu ha iska qaab dartaatee, kalidii-talisnimo iyo wax u hanaan eeg toona maahan wax lagu doorsadaayi’.

Hanaan dimuqraadiyadeed oo ay gundhig u tahay saraynta sharciga iyo rabitaanka shacabku waa sida kali ah ee lagaga hortagi karo kalidii-talisnimo iyo ku tagri-falka awoodeed; cabudhinta xoriyatul qawlka, xaddidaada xuquuqaha aas aasiga ah, qanuuno la iska meel mariyo bilaa hanaan iyo bilaa dood, xidhayga garab marsan qanuunka, dil iyo jidhdil, dhaca iyo boobka ay kula kacaan hantida ummada dhiig miiratada sida gofanaha ummada dhiigooda u jaqi doona marka la duugo dimuqraadiyada.

Dimuqraadiyaduna waa shay aad u nugul oo marka ay sida ubaxii dilaacdo hadii aan la naash-naashin si fudud u curdan-dhadhi karta. Soddonkii sano ee ugu dambeeyayna wadamo badan ayaa faquuq badan iyo dib-unoqosho ku timid xoriyadii iyo dimuqraadiyadii hada ka hor ka dilaacday dadkuna ay u haysteen in ay damaanad haystaan kalidii-talisnimadii horena aanay marnaba soo noqonayn. Wadamadaasi daraasaadaadada lagu sameeyayna waxa ay ka midaysan yihiin in mid walba si tartiib ah xoriyadihii dib loo laalay, la aamusiiyey dadka dhaliila nidaam si walba ooy ku suuro gashaba. Hadii la ga cabsiin, hadii loo cago juglayn, hadii la xidhi, hadii nolosha lagala dagaalami iyo hadii la caayi ba.

Walaacayguna, shaqsiyan, waa inaan si yar oo fudud u simbiriraxano oo aroor uun aan soo baraarugno iyadoon shacabkii waxbaba ugu jirin gacanta.

Weli miyaynu gaadhnay meeshaas aanay waxba inoogu jirin gacanta? Jawaabtu waa MAYA!

Miyaanse u soconaa jihadaas? Jawaabtu waa HAA!

Taasina weeye mida daruuri ka dhigaysa inaan mar labaad is weydiino siyaabaha aynu ku difaaci karno xuquuqaheena aas aasiga ah kagana hortagayno cabudhis hor leh.

Taariikhyankan Timothy Snyder waxa uu buugiisan ugu talo galay in su’aalaas jawaabahooda laga dheehdo isaga uu ku doodaya soyaalkii dunida ee qarnigii ugu dambeeyay inuu ku duugan yahay duruus inoogu filan sad.

Waxyaabaha ugu horeeya ee laga dheehan karo buugani ayaa ah in waxa ugu horeeya ee muwaadinka laga rabo ayaa ah in ‘aan la iska hogaansamin uun’, ‘Do not obey in advance’. Waayo awoodaha ugu badan ee kaligii talisku waa mid marka horeba loogu deeqo si bilaa shardi ah’. Markuu Hitler awooda soo fananayayba, awoodaha ugu badan ee marka dambe xasuuqyada iyo gabood falyada ku gaystay ba waxa ay ahaayeen kuwo marka horeba ay dadka Jarmalku ugu deeqeen.

Casharka labaad ee buugan laga baran karo ayaa ah in ay daruuri tahay in ‘la difaaco hay’adaha iyo haykalka dawladnimo’ sida maxkamadaha, hay’adaha dastuuriga ah, saxaafada, ururada bulsho, barlamaanka iyo wixii la mid ah. Inaguna ka bulsho ahaan; is bedel baa yimid dalka iyo deegaankaba, wixii hore lagu noqon maayo, dawlad baa jirta, sharcigaa xakamayn ninkii isku daya inuu awood ku tagri falo iyo fikiradaa caynkaas ah een salka balaadhnayn inta aan ka baxno waxaa la rabaa in aan ku feejignaano inaan marnaba la inagu soo talaabin.

Cashirka saddexaad een wax kabaran karno ayaa ah in aan ku feejignaano cawaaqib xummada ka dhalan karta in hal xisbi siyaasadeed, ‘one-party state’, uu maroorsado wax alaale wixii ahaa haybad iyo awood dawladeed ahaa. Inkastoo tani ay tahay mid dadka badankiisa si fudud ugu muuqan karta mar alaale markii ay dawlad bilowdo tacadi iyo jujuub ka dhan ah xisbiyada siyaasadeed, hadana waxaa dhacda in inta badan hanaan xisbi-badan ah, ‘multi-party system, oo maqaar-saar ahi ay dhacdo in uu daboolo kalidii-talisnimo sii hoose u soo xoogaysanaysa.

Casharka afraad ee buugani ayaa ah in lagu ‘feejignaado mar walba borobagaandada iyo been abuurka’ dawladi ku indhasaracaado dadkeeda. In mar walba runta laga sal gaadho iyo sidoo kale lagu baraarugsanaado hadalada iyo eedaymaha halista ah ee tilmaanta u ah nidaam kalidii-talisnimo oo curdin ah sida hebel iyo koox hebel ‘deegaankay cadow ku yihiin’, ‘dadkay cadow ku yihiin’, ‘madaxweynaha iyo deegaanka magiciisay biinayaan’ iyo wixii la mid ah.

Marka, waxaan ugu weyn ee laga dheehan karaa sooyaalka taariikheed ee hanaanada maamul ee kala duwan ee qarnigii ugu dambeeyay ayaa ah in mar walba shacabku guud ahaan mar walba ha noqdo mid baraarugsan. Waxaa kaloo muhim ah in shacabku mar walba garanayo xuquuqahiisa iyo sida waliba loo difaacan karo, ahmiyada ay leedahay in la difaaco hay’adaha astaanta u ah qaranimada umadeed iyo kuwa dawladnimo, iyo waliba in laga feejignaado ‘propogandada iyo beenaha’ ay dawladi qaybiso si ay maan-rogto shacabkeeda.

Kalidii-talisnimada dhufayska ha loogu jiro, xoriyaduna waa qaali ee gaadhka hala hayo.

Ramadaan kariim dhamaantiin!

WQ: Mohamed Colaad, Lataliyihii hore ee Madaxweyne Mustafe

Be the first to comment