Lataliyaha Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Oo Kulan Wada-tashi Ah La Yeeshay Qurba-joogta DDS Ee UK Iyo USA

London (Jigjigaonline) – Lataliyaha Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida ee dhinacyada Saxaafadda iyo Isgaadhsiinta oo safarro shaqo ugu maqan dalka dibeddiisa ayaa kulamo wada-tashi ah la yeeshay qurba-joogta deegaanka ee ku dhaqan dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.

Lataliye Maxamed Muxumed Colaad ayaa safarro shaqo oo qaatay muddo saddex toddobaad ah, waxa uu ku tegay waddamada Britain iyo Maraykanka, waxaana uu ka qayb-galay shirar soo dhaweyn iyo xog is weydaarsi ah oo la yeeshay qurbajoogta ka soo jeeda deegaanka ee ku nool wadamadaasu.

Maxamed Colaad oo safarkiisa shaqo uu ka bilaabmay magaalada Belfast ee Midowga Boqortooyada Britain ayaa waxa uu 8-9 November ka qayb-galay shir lagaga hadlayey doorka warbaahintu ku leedahay bulshooyinka kala-qaybsan, taas oo deegaan si gaar ah muhiimad weyn ugu lahayd, maadaama intii uu isbeddelku dhacay ay hana-qaadday warbaahin xor ah iyo kuwo dawli ah oo ka hawl-gala deegaanka.

Markii uu shirkaasi dhamaday, waxa uu Lataliyuhu u dhaafay waddanka Maraykanka oo uu kulamo wada-tashi ah kula soo yeeshay qaar ka mid ah qurba-joogta ku nool waddankaas, waxaana uu xog warran ka siiyey isbedelladii ka dhacay DDS, waxyaabihii qabsoomay muddadii ay xukuumadda Madaxweyne Mustafe xilka haysay iyo xaaladda guud ee dalka.

Lataliyaha Madaxweynaha ayaa waxa uu shalay soo gaadhay magaalada London oo uu kulamo kula qaatay qurba-joogta deegaanka oo si diirran usoo dhaweeyey, waxaana uu uga warramay hannaanka dimuquraadiyadda ee ka hana-qaaday guud ahaan dalka, deegaanka, furfurnaanta siyaasadeed, fursadaha ay qurba-joogtu ka faa’iidaysan karaan ee deegaanka yaalla iyo arrimo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Colaad ayaa maalmaha soo socda kusoo waajahan dalka, kaddib safarrada shaqo ee qaatay muddada ka badan saddexda toddobaad.

Be the first to comment