Labadii saacadood ee uu ku badbaaday hogaamiyihi mucaaradka Ruushka

Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa wali Kooma ku jira isbataal ku yaalla dalka Jarmalka.

Dowladda Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in la sumeeyay islamarkana la adeegsaday sunta lagu magacaabo Novichok oo ah mid wax u dhinta neerfooyiinka.

Hogaamiyahan ayaa xanuunsaday isaga oo ka soo laabtay safar uu ku tagay Siberia kuna si jeeda magaalada Moscow islamarkana diyaaradii uu saarnaa ayaa si degdeg ah uga caga dhigatay magaalada Omsk.

Labo maalin ka dib saraakiisha Ruushka ayaa lagu qanciyay in Alexei Navalny loo soo qaado dalka Jarmalka.

Laanta afka Ruushka ee BBC ayaa isku so uruurisay macluumaad la xiriira sidii shaqaalihii iyo dhakhaatirtii diyaaraddii uu saarnaa ay ugu dadaaleen badbaadintiisa intii ay diyaaradda ay mareysay hawada Siberia.

Waxay ahayd labo saacadod oo safar ah oo aad u halis badan.

Qaabkii ay subaxii wax u dhaceen?

Waxay ahayd 20 bishii August, Alexei Navalny ayaa diyaarad lambarkeedu yahay S7 ka soo raacay magaaalada Tomsk isga oo ku sii jeeday caasimadda Moscow.

Wax ma uusan cunin subaxii oo dhan marka laga reebo koob shaah ah oo uu ka soo cabay garoonka Tomsk Bogashevo, sida ay sheegtay xoghayihiisa dhanka warbaahinta Kira Yarmysh.

Qofka kale oo rakaab ah ayaa sidoo kale arkay Mr Navalny oo shaah cabaya saacad ka hor inta aysan diyaaradda duulin.

Siyaasigani sida wayn u dhaliila Kremlin ayaa ahaa mid dhoola cadeynayay islamarkana la kaftamayay rakaabka wajigisa gartay ee garoonka ku sugnaa.

Markay saacadda magaalada TOMSK ahay 08:01subaxnnimo

Nusu saacihii duulimaadka ugu horeeeyay ayaa, Mr Navalny waxaa uu bilaabay in uu xanuun dareemo.

Shaqaalaha diyaarada ayaa biyo siinayay rakaabka, balse isaga waa u diiday.

Ka dib ayaa waxaa uu Mr Navalny aaday musqusha.

Saacadu markay ahayd 08:30 xilliga TOMSK

Qof kale oo rakaab ah ayaa isku dayay in uu musqusha isticmaalo, balse, Mr Alexei Navalny ayaa ku jiray suuliga muddo 20 daqiiqo ah islamarkana waxaa bilaabmay in dadka ay saf dheer musqusha u galaan.

Saacadu markay ahayd 8:50 xilliga TOMSK 8:50

Waxay dhammaan shaqaalihii diyaaradda ay ogaadeen in mid ka mid ah rakaabka uusan caafimaadkiisu wanaagsanayn.

TOMSK TIME 09:00 subaxnnimo

Saacado ka dib, mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa ka hadlay cod-baahiyaha isga oo rakaabka waydiiyay in uu jiro qof dhakhtar ah oo diyaaradda saaran.

Rakaabkii kale ayaa imika ogaaday in ay xaaladu halis tahay.

Shaqaalihii kale ee diyaaradda ayaa ku wargaliyay duuliyaha waxayna isku dayeen inay gargaar degdeg ah u fidiyaan Mr Navalny.

Ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo, Ilya Pakhomov, aya u soo dhaqaaqay dhanka rakaabka isaga oo dalbanaya gargaar caafimaad.

Haweeney aan magaceeda la shaacin oo rakaabka ka mid ahayd ayaa soo baxday islamarkana sheegtay inay tahay kalkaaliso caafimaad.

Saacaddii xigtay haweenaydaa iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa la tacaalayay xaaladda Mr Navalny ilaa uu duuliyaha ka dajinayay diyaaradda, sida ay sheegtay shirkada diyaaradaha ee S7.

‘Ma uusan hadlayn – oo wuu qaaylinayay ‘

Sergey Nezhenets, oo ah sharci yaqaan, ayaa fadhiyay qaybta dambe ee diyaaradda oo ku dhaw halkii lagu daweynayay Mr Navalny.

Waxaa markaas loo soo waday magaalada Moscow ka hor inta aan loo soo duulin Krasnodar koonfurta Rushka.

“Waxaan bilaabay inaan u dheg raariciyo wixii meesha ka socday markaasi oo mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda uu codsaday in haddii uu jiro qof dhakhtar ah uu caawiyo,” waxaa sidaasi BBC u sheegay Mr Nezhenets.

“Daqiiqado ka dib, duuliyihii waxaa uu sheegay in uu ku dagayo magaalada Omsk, sababtoo ah mid ka mid ah rakaabka oo xanuunsan, waxaan uun ogaaday markii ay diyaaradu degtay in rakaabka laga hadlayo uu yahay Navalny, markii aan furay Twitter-ka waxaan arkay qoraal ay soo dhigtay afhayeenkiisa.

“Daqiiqado yar ka dib markii dhakhtarka loo yeeray, Alexei wuxuu bilaabay in uu taaho oo uu qaayliyo, runtii aad ayuu u xanuunsanaa, waxaa la dhigay diyaaradda dhexdeeda, ma jirin erey uu ku dhawaaqayay, balse wuu qaaylinayay “, ayuu yiri Mr Nezhenets.

Wa markii xilligii ay isa soo bixisay haweenayda kalkaalisada ah si ay u caawiso.

“Ma garanayo waxa ay sameynayeen oo maba arkayn, balse waxaan maqlayay iyaga oo leh ‘Alexei, cab, cab, Alexei, neefso!’ ayuu intaa ku daray Mr Nezhenets.

Labo ka mid ah kaaliyayaasha Mr Navalny ayaa ag-taagnaa, mid ka mid ah waa afhayeenkiisa Kira Yarmysh.

“Aaad ayay murugsaneyd,” ayuu yiri Mr Nezhenets ,”dhakhaatiirta waxay waydiinayeen waxa ku dhacay, islamarkana Kira waxay ku jawaabaysay ‘ma aqaan, waxaa laga yaaba in la sumeeyay ‘.”

Saacadu markay ahayd 08:20 xilliga magaalada OMSK

Shaqaalaha diyaaradda ayaa dalbaday in diyaarada si dhaqso ah ay ugu degto magaalada Omsk, taasi oo la sameeyay, waana labadii saacadod ee badbaadiyay noolasha Alexei Navalny .

Waxay ka yar muddo 30 daqiiqo ah ayay diyaaradda ku soo caga dhigtay.

Balse shaqaalaha diyaaradda “ayaa eegayay daaqadaha diyaaradda iyaga oo ka cabanayay in cirka uu daruuro leeyahay ayna waqti dheer qaadanayso in diyaarado ay degto.”

Qareenkan BBC u waramay ayaa sheegay in u maqlayay mantag iyada ay dadkii la joogayna ay lahaayeen wax cab.

Shaqaalaha diyaarada ma waxay ka shakiyeen in cuunno sun loogu daray, waxa sidaasi yiri Mikhail Fremderman oo ah khabiir ku taqasusay qeybta xaaladaha culus la dhigo .

Haddii Mr Navalny cunnadii uu cunay ama cabitaankii u cabay la sameeyay, waxay sidoo kale taasi halis galinaysaa dadka kaalmada caafimaad u fidanaya iyo kuwa diyaaradda nadiifinaya.

Markay saacadu ahayd 09:01 subaxnnimo xilliga OMSK

Markii ay saacadu ahayd 09:01 subaxnnimo xilligaOmsk ayay diyaaradu soo fariisatay garoonka.

Markii ay saacadu ahayd 09:03 subaxnnimo xilliga OMSK

Shaqaalaha caafimaadka ee garoonka ayaa diyaaradda koray labo daqiiqo uun ka dib markii ay soo caga dhigatay.

Markii ay baaritaan ku sameeyeen Mr Navalny,dhakhaatiirta waxay yiraahdeen “kani ma aha kiis anaga na quseeya, waxaa uu u baahan yahay in la dhigo qeybta xaaladda degdega ah “, ayuu yiri Mr Nezhenets.

Waxaa uu ka dib maqlay mid ka mid ah shaqaalaha caafiamadka oo dalbaya gaariga gurmadka degedega ah.

Waxayna dhakhaatiirta sheegeen in xaaladiisa ay halis tahay.

Dr Sidorus ayaa sheegay in uusan daweyn Alexei Navalny, balse qaar ka mid ah saaxibadii ay inta kalankooda ah isku dayeen in ay noolashiisa badbaadiyaan.

“Way adkeed in la ogaado waxa socda, mana uusan hadli Karin,” ayuu yiri. “.”

Sacadu markay ahayd 9:37 subaxnnimo xilliga OMSK

Waxaa Mr Alexei Navalny loo qaaday isbataalka Omsk Emergency Hospital No 1.

Diyaaraddii sidday ayaa markii shidaal lagu shubay nusu saac ka dib waxay iska sii wadatay safarkii ay ugu sii jeeday magaalada Moscow, sida uu BBC u sheegay Mr Nezhenets.

Muddo labo maalmood ah ayaa waxay isbataalka Omsk ku hayeen Mr Navalny qeybta dadka la sumeeyay.

Markii hore ma aysan ogolaan in loo soo duuliyo dalka Jarmalka, iyaga o sheegayay in xaaladiisu aysan daganeyn.

Hasa yeeshee 22 August, waxaa loo soo duliyay magaalada Berlin ee caasimadda Jarmalka.

Labo maalin ka dib waxay dhakhaatiirta dalka armalka ay sheegeen in baaritankooda uu muujinayo in la sumeeyay.

Laanta afka Ruushka ee BBC ayaa ka codsaday madaxda caafimaadka Omsk in ay faahfaahin ka bixiyaan intii uu isbataalka ku jiray Navalny, balse wax jawaab ah ma aysan bixin.