Laba arrimood oo ku saabsan sida kacbada loo dhaqo

Kacbada barakaysan gudaheeda waxaa sannadkii la dhaqi jiray seddax goor, waana arrin soo billaabatay xilligii Nabi Maxamed NNKH.

Markii ugu horreysay ee la dhaqay waxay ahayd xilligii ay Muslimiinta qabsadeen magaalada Makah iyo kacbada.

Waxaana ka dhaxlay dawladihii muslimiinta ee u kala dambeeyay sida khulafadii, Umawiyiintii, Cabaasiyiintii, Cusmaaniyiintii, iyo Boqortooyadan Reer Aala-Sacuud.

Bilowgii qarnigii 18-aad waqtigii ay dhalatay boqortooyadan saddexaad ee Reer Aala-Sacuud ee uu hogaaminayay Boqor Cabdicasiis ayaa laga dhigay in Kacbada sannadkii laba jeer la dhaqo, waxaana loo kala qeybiyay 15-ka bisha Muxaram ee tirsiga islaamka iyo 10-ka Shacbaan.

laakiin sannadkii 2016-kii ayaa la joojiyay markii labaad, waxaana lagu dhigay oo kaliya 15-ka Muxaram oo kaliya. Haddaba shalay ayaa la nadiifiyay.

Qaabkee loo dhaqaa kacbada?

Amiir Khalid Al-Faysal oo ka tirsan boqortooyada ayaa nadiifiyay kacbada. Wuxuu ka dhaqay gudaha iyo bannaanka isagoo ku tirtiray maro yar oo la dhexgeliyay biyo la isku daray oo ah Zamzam iyo Maa’ul Wardi.

Diyaargarowga sida loo dhaqo wuxuu bilowdaa maalin ka hor xilliga nadiifinta waxaana la sii diyaariyaa biyaha la isku daray oo lagu sii dhexdaray Cuud iyo barfuun. Taawello ama shukumaan ayaana dhaqidda oo dhan loo adeegsadaa.

Waxaa ka qeybgalo marti sharaf sare oo ka socota boqortooyada iyo amiirka Makah. Ka dib marka ay baxaan martidaas, waxaa lagu daboolaa marada xariirka ah ee madow oo si fiican loo dhaqay.

Hannaanka dhaqidda oo dhan waxaa lagu soo gebagebeeyaa laba saacadood. Gidaarka gudaha ee Kacbada waa laba mitir oo dherir ah, waxaana ku xiran maro xariir oo cagaar ah.

Laakiin sannadkan maydhista Kacbadu, waxa ay ku soo beegmatay waqti uu dunida ku faafay cudurka COVID-19, sidaa darteed safiirada dawladaha muslimiinta laguma soo casuumin, waxaana kacbada dhaqaya oo kaliya Amiir Khaalid Al-Faysal oo ah lataliyaha gaarka ah ee boqorka ahna Amiirka Gobalka Makkah.

Ninka waxaa soo wakiishay Boqor Salmaan, waxa kale oo ku wahelinaya Sheekh Sudaysi, shaqaalaha xaramka iyo qolada haysa furaha kacbada oo loo yaqaano (saddanada kacbada) ama reer Bani shayba.

Sannad walba, waxaa Kacbada dhaqa boqorka dalka ama mas’uulka uu u soo wakiisho in uu munaasabadaa uu ku matalo iyo wakiilada 57-da ee dowladood ee muslimiinta ah waana safiirada dawladaha muslimiinta u fadhiya Sacuudiga.

Yaa hayo furaha Kacbada?

Furaha kacbada waxaa la soo kala dhexlayay tan iyo wakhtigiii Nebi Ibraahim ee uu kacbada dhisay. Furaha waxa loo dhiibay Nebi Ismaaciil, waana la isku soo kala wareejinayay illaa xilligii Qureesh uu gacantooda galay.

Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”.

“Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Furahaasi waxaa hayay ninkii beesha u waynaa oo la odhan jiray Cusmaan ibnu abii-Dalxa. Waxa jirtay qiso dhex martay isaga iyo Nebi Muxamed (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wakhtigii ay diinta Islaamka cusbayd. Wuxuu Nebigu ka dalbay inuu Kacbada u furo wuuna u diiday, markaas ayuu nabigu ku yidhi ‘waxa imaan doonta maalin aan kaa qaado’.”

Dhawr iyo toban sanno ka dib sannadkii Muslimiinta ay qabsadeen Makah, ayuu Nebiga ka qaaday furihii kacbada odeygii hayay, wuuna furay ka dibna waa la nadiifiyay.

Furaha kacbada, nabiga kama wareejin reer Banuu Shayba oo illaa iyo hadda haya, waxayna furaan xilliyada la nadiifinayo.

Reerkaas ayaa masuul ka ah waxa loo garanayo ‘Sudnah’ taa oo micneheedu yahay daryeelka guud ee kacbada iyo furidda iyo xiriddeeda.

Sida dhaqanka ah, furaha waxaa haynaya qofka ugu da’da wayn reerkaas ee Banuu Shaybah.

“Furaha Kacbada waa muhiim, taariikh ahaan iyo diin ahaanba. Wuxuu furaha leeyahay kiish u gaar ah oo la geliyo oo ay hayaan reerkaas iyo Golaha Shuurada,” sida uu sheegay Dr Maxamed al-Zulfah oo la hadlay Al-Carabiya.

Al-Zulfah oo ku takhasusay taariikhda Islaamka, wuxuu sheegay in qaabka furaha uu is bedledelo. “Madxaf ku yaalla Turkiga waxaa yaallo 48 fure oo la uruurinayay tan iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta, halka Sacuudiga uu hayo Laba fure oo koobi ah oo dahab laga sameeyay.

Dhaqida kacbada waxaa u daawasho tagi jiray dad badan balse sannadka fayraska Corona dartiis, waxaa la joojiyay munaasabadda daawashada ee nadiifinta kacbada.