“Kulligood ba kufsada oo cashar u dhiga” – Fadeexad Cusub

Digniin: Warbixintan waxa ku jira waxyaabo akhristeyaashu dhibsan karaan.

“Inta guriga degan oo dhan kufsada oo cashar u dhiga,” ayey fariimaha midkood ahayd.

“Alla Ilaahayoow. Hadaan siil leeyahay aniguba ma jeclaadeen inaan halkaa joogo” ayay mid kale ahayd.

Anna- ma aha magaceeda dhabta ah- waxay eegaysay boqolaal fariimood oo faroxumayn galmo ah oo la isku weydaarsaday bog Facebook ka mid ah.

Waxa naxdin ku noqotay in iyada iyo saaxiibadeheeda ay jaamacadda wada dhigtaan tobanaan goor magacood lagu sheegay.

Nimanka fariimahaa qorayaa- sida Anna- oo kale ayay jaamcadda Warwick ee UK ka dhigtaan culuumta bulshada.

Laakiin isku fasal keliya uun ma ahayne. Waxay ahaayeen saaxiibadeed oo aad ugu dhaw.

Todobaadadii ka dambeeyey markii Anna ay aragtay fariimahaa, warku wuxu wada gaadhay Jaamacadda. Wax ku bilowday sheeko “u gaara wiilal” ayaa degdeg faraha uga baxay.

Anna iyo gabdh saaxiibadeed ah- oo ka mid ah kuwa fariimahaa waxa lagaga sheegay- ayaa u cawday jaamacadda.

Baadhitaan ka dib, hal arday ayaa la eryey waxaana inta uu nool yahay laga mamnuucay inuu jaamacaddaa galo, laba kale ayaa iyagana 10 sanadood laga mamnuucay oo la eryey laba kalena sannad baa jaamacadda laga joojiyey.

Laakiin markii laba nimankaa ka mid ah mamnuucidii 10 sano ahayd laga yareeyey oo laga dhigay 12 bilood, ayaa waxa su’aalo adag la iska weydiiyey sida jaamacaddu baadhigaanka u samaysay.

Sannad ka dib, jaamacadda weli waxa ka taagan muran oo waxay arday iyo macalimiintuba is waydiinayaan; sidee waxa uga dheceen Warwick?

‘Fariimo wiilal u gaara’

Sannadkii hore bilowgiisii, Anna oo markaa 19 jir ahayd, ayaa waxay ku fadhiday kursi yaal guriga ay jaamacadda ka deganayd, waxaana fariimo foolxumi iskaga soo daba dheceen kombuyuurtarka saaxiibkeed.

Siday kuwo kale ugu soo dhacayeen, ayay waydiisay waxay yihiin, isna wuu qoslay.

“Wuxu yidhi hadaad fariimahan wax xun moodayso, bal maad aragtid kuwa kooxdayada wiilasha u gaarka ah” ayay tidhi Anna. “Waana markaa marka uu i tusay fariimo sannad iyo badh la isku dirayey oo hanjabaad kufsi ah”

Markay halkaa fadhiday ayay fariimaha Facebook ku aragtay in isaga iyo saaxiibadii is weydaarsadeen magacayada kuwooda dumarka badan dilay iyo kuwa dumarka badan kufsaday.

“Waxay ka hadlayeen ardayad saaxiibadood ah. waxay ka hadlayeen sida loo afduubay, sariirta loogu xidhxidhay, ee lagu qasbay inay isku kaadido ka dibna kaadidii dhex seexato”‘

Qoraalka badankiisu wuu ka sii naxdin badnaa intaa.

“May ahayn hadal iska sahal ah” ayay tidhi Anna “waxay ahayd ummad dhan oo internet-ka ku wada xidhiidhaysa, waanay ku faraxsanaayeen waxaa xun”

Magaceeda ayay ka baadhay fariimihii la is weydaarsanayey. Boqol goor buu ka soo baxay.

Markii hore Anna waxay tidhi saaxiibkeed waxba kamuu soo qaadin fariimhaa oo wuxu ku sheegay “waa sida wiilashu u hadlaan” kaftanna wuu ku sheegay.

Way sii baadhay, markaasay sawirro ka qaaday kolba.

“Waxan u sheegay inaan hubsanayo”ayay tidhi Anna. “Wuu arkayey inaan kolba sii cadhoonayey. Waxaanan u malaynayaa waa markaa marka uu arkay in arintu siduu moodayey ka culustahay”

Isla markiiba hadalkii buu bedelay oo wuxu sheegay inuu ogyahay in fariimuhu yihiin wax aan la qaadan karin oo uu u tusay si uu u ilaaliyo iyada.

Laakiin markay sii eegto fariimaha badan ee ka hadlaya kufsi wadareedka iyo xubnaha taranka oo la jarjaro, waxay dareentay in aan arintu siduu sheegayo ahayn.

“Wax aan sameeyo maan garanayn waayo dadkan fariimaha is weydaarsanayaa waxay ahaayeen dad noloshayda qayb weyn ka ah” ayay tidhi.

Dhawr maalmood ka dib ayay ku noqotay gurigoodii fasaxii Easter-ka. Laakiin xasuusta ah inay noqoto oo nimankii arki doonto ayaa kolba naxdin ku noqonaysey.

“Waxaan u diyaar garoobayey inaan ku noqdo jaamacadda laakiin albaabka guriga waan ka bixi kari waayey” ayay tidhi

Markaa ka dib ayay go’aansatay in ay u cabato jaamacadda.