Komishanka Doorashooyinka Itoobiya Oo Baarlamaanka U Gudbiyey Miisaaniyadda Ku Baxaysa Doorashooyinka

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Madaxa koomishinka doorashooyinka dalka Itoobiya marwo Burtukan Midheksa ayaa warbaahinta dalka (EBC) u sheegtay inay u gudbiyeen guddiga joogtada ah ee golaha baarlamaanka dalka qorshe ay kaga codsanayaan miisaaniyada dhan 3.7 bilyan birr ah.

Burtukan, ayaa sheegtay inay lacagta intaas le’eg u codsadeen sidii dalka looga qabanlahaa ama u dhici lahayd doorasho xalaal ah oo lagu kalsoonyahay sanadkan fooda inagu soo haya sida qorshuhu yahay.

Mar ay sharaxaad ka bixinaysay tirada dadka ka qayb-qaata fulinta doorashooyinka iyo meelaha laga soo xusho, ayay qeexday in 250,000 oo lagasoo xulan jiray shaqaalaha dawlada ay ka qayb qaadan jireen, kuwaasoo xubno ka ahaa xisbiyada siyaasadeed, sidaas darteedna aan dhex-dhexaad ka noqon Karin arimaha doorashada.

Masuulka ayaa sheegtay inay had aka guurayaan guud ahaanba nidaamkii hore ee wax lagu soo xulanjiray waxayna cadaysay in xubnaha laga soo xulandoono goobohooda iyagoo loo eegayo; aqoontooda, sumcada ay bulshadooda ku dhex leeyihiin iyo inay bulshadu ku kalsoontahay waxaana soo xulashadooda laga qayb galin doonaa bulshada ay u adeegi doonaan.

Maewada ayaa sheegtay inay sidoo kale dib u habayn ku samayn doonaan sanduuqa codbixinta doorashada lagu rido lagana dhigi doono mid dadku si cad uga dhex arkayaan codbixinta lagu riday.

Ugu dambayn, masuulka ayaan waraysigeedii marnaba ku xusin in wakhtigii u mudaysnaa inay dhacdo doorashada sida wayn looga hadal hayo gudaha iyo dibada dalka itoobiya taasooy isku khilaafsan yihiin masuuliyiinta xisbiyada siyaasadu, oo qaarkood aamin sanyahay inayna hada suurta gal ahayn in doorasho la qabto halka ay qaar kalana ku andacoonayaan in xiligeeda lagu qabto hadaan lagaba soo hor marinaynin (xisbiyada deegaanka oromiya) iyo TPLF oo iyagu ku baaqay 3 maalmood kahor hadii doorashadu xiligeedii ku qabsoomi waydo inuuna dalka kajiri doonin wax dawlad ah oo sharci ah dhibaato kalana ka dhici doonto wadanka.