Kiiska Dhimashadii George Floyd Oo Loo Raray Derajada Dilka Heerka Labaad Iyo Saddexdii Askari Ee Kale Oo Dacwada Lagu Oogay

Afartii Askari Ee Dilka Ku Lugta Lahaa Oo La Maxkamadaynayo

Dhimashadii George Floyd

Dacwado hor leh ayaa lagu dhawaaqay in lagu qaadayo dhamaan afartii sarkaal ee shaqada laga caydhiyey, laguna haystay dilka, #George Floyd, shaqsigii Amrican-ka Madaw ka soo jeeday, dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday gudaha magaalada Minasota, wadanka Maraykanka.

Maxkamada kiiska gacanta ku haysa ayaa cadaysay in kiiska dambiile #Derek Chauvin, ay u rartay dacwada dilka heerka labaad, ( second-degree murder ) taas oo uu ku mutaysan karo afartan sanadood oo xadhiga ah ugu yaraan.

Saddexdii sarkaal ee kale, oo aan markii hore wax dacwad ah laga gudbinin, ayaa lagu soo daray kiiska, iyagoo loo cuskanayo, gacan siin iyo caawino ka geysasho, dambi ama fal dil ula kac ah.

Geerida #George Floyd oo laga duubay muuqaal argagax leh, ayaa sababtay mudahraadyo gil-gilay guud ahaan caalamka, gudaha wadanka Maraykankana khal khal galiyey, kuwaas oo rabshado waaweyn watay.

Mudahraadyadan ayaa ahaa kuwo ay shacabka ku dalbanayeen, cadaalad iyo in lagu soo afjaro dambiyada jinsi iyo midab nacayb ka ah  iyo in lagu xakameeyo dilalka joogtada ah ee lagula kaco shucuubta midabka madow ee ku dhaqan wadanka Maraykanka.

Inta badan, dibad-baxyadii ka dhacay Maraykanka ayaa ahaa kuwo si nabad galyo ah loogu dalbanayay cadaalad iyo sinnaan, halka qaar kamid ah isu soo baxyadu ay markii dambe isu rogeen rabshado iyo qul-qulatooyin lagu gubay hanti badan.

Dhawaaqa Dacwadahan cusub, ayuu ku sheegay qareenka guud ee magaalada Minnesota – Attorney General Keith Ellison, inay uga dan leeyihiin, helida caddaalad.

Quincy Mason Floyd ooo kuududa halkii aabihii lagu dilay
Quincy Mason Floyd ( Dhexda )Oo Ah wiilka uu dhalay Floyd oo kuududa halkii aabihii Lagu Dillay.

Qoyska George Floyd iyo shacabka gadoodsan ayaa dalbanayay in Kiiska askariga Jilibka kaga hayay luqunta ilaa kuu naf baxayay ee Derek Chauvin, lagu qaado darajada dilka heerka saddexaad, halka ay markii hore dacwad oogayaashu ku soo oogeen dacwada dilka heerka koowaad oo ah mid aan ula kac ahayn, iyo in saddexdii askari ee kale oo ku gacan siinayay dhamaantood maxkamada la hor keeno lana soo xidho.

Derek Chauvin, oo jilibkiisa lugta qoorta kaga hayay George ilaa uu naf baxayay, waxaa falkan ku wehelinayay, Tou Thao, oo ka ilaalinayay inay cidi u soo dhawaato intii hawshu socotay, Thomas Lane iyo J.A. Kueng oo qaarka dabme ee dhibanaha ku fadhiyey si ay dhulka ugu xejiyaan ilaa naftu ka baxday.

mudahraadayaasha oo isugu soo ururay goobtii dhacdada
Mudahradayaasha oo Ubaxyo dhigaya Meeshii Lagu Dilay George Floyd.

 

 

Be the first to comment