Khilaafkii ITOOBIYA Iyo MASAR Ee Wabiga Niil Miyuu Mar Kale Holcayaa?

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Masar iyo Itoobiya ayaa isku hayay sida la isku waafajin karo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso wabiga Nille iyo sida Masar ay u heli karto biyaha ay ka hesho wabiga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Sameh Shoukri oo dhawr maalmood kahor ka hadlay arrintan ayaa sheegay in wadahadaladii biyo xireenka aanan wax horumar ah laga sameyn muddo afar sano ah ka dib.

Wasiir Shoukri oo shir jaraa’id ay isla qabteen wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma, wuxuu sheegay in Masar ay aqoonsaneyso biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wobiga, waa haddii taas aysan saameyn doonin saamiga biyaha ee Masar ay ka hesho Nille.

Biyo xireenkan laga dhisayo gudaha dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in laga dhaliyo koronto dhan 6 kun oo megawatts, oo ah cabirka korontada, waxaana qorshaha Dowladda Itoobiya ka soo horjeestay dalka Masar oo sheegay in taas ay biyo yari ku keeni doonto dalkeeda.

Waxaa la saadaalinayaa in dagaalka xige ee adduunka uu ku saleysnaan doono biyo. Xiisadaha ugu badan ee arrintanna hadda waxay ka taagan yihiin daafaha wabiga Nile.

Khilaafka Masar iyo Itoobiya ayaa muddo soo jiitamayay. Sudan ayaa sidoo kale qeyb ka ah muranka, taas oo muujineysa in waddan gaar ah uusan go’aan ka gaari karin.

Biyo xireenka Itoobiya wuxuu noqon doonaa midka laga dhaliyo korontada ugu badan. Boqolkiiba 85 biyaha Nile waxay ka yimaadaan buuraha Itoobiya.

Walaaca Masar wuxuu yahay in Itoobiya ay yeelato awood ay ku yareyneyso biyaha wobiga oo dalal badan ay ku tiirsan yihiin, ka dib marka ay dhamestirto mashruuca biyo xireenka.

Biyo xireenka waxaa laga dhisayaa meel u dhow xadka Itoobiya iyo Sudan meel aan ka fogeyn. Itoobiya waxaa u qorsheysan in korontada laga dhaliyo halkaas ay ka raqiisnaato midda kale.

Dowladda Masar wuxuu walbahaarka ku sii siyaaday ka dib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in sida uu biyo xireenka uu ku socdo ay Masar ku keeni karto in ay soo wajahdo biyo yari, sannadka 2025.

“Wabiga Nile waa noolasha shacabka reer Masar, waxaana kuu sheegi karaa in arritan biyo xireenka ay aad uga walaacsan yihiin,” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in khatar walba oo la xiriirta biyaha loo aqoonsanayo “halis soo wajahdo madaxbanaanida dhuleed ee dalkaas”.

Sidoo kale, dalalka Sudan iyo Masar ayuu u dhexeeyaa khilaaf wayn oo la xiriira isticmaalka biyaha wobiga. Waxaa suuragal ah in isticmaalka Sudan oo kordho ka dib marka la dhameystiro biyo xireenka Itoobiya, sida ay dowladda Masar sheegtay.

Dad qaar waxay aaminsan yihiin in dowladda Masar aysan jirin waxkale oo u bannaan oo aan ka ahayn inay qaado tallaabo milateri oo xaaladda uga sii dari karto, waana taas sababta ay labada dal u doorbideen in arrintan lagu dhameeyo qaab diblomaasi.