Khasaaraha Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Hargeysa Oo Sii Korodhay

Hargeysa (JigjigaOnline) – Allaah ha u naxariistee, inta la ogyahay Saddex Qof ayaa ku Geeriyooday Roob dabaylo watay oo Makhribkii shalay ka da’ay Magaalada Hargeysa, waxaana ku dhaawacmay 18 ruux oo kale.

Roobka oo da’ayey muddo 30 daqiiqo ku siman ayaa saqafka ka qaaday dhismayaal ku kala yaalla xaafadaha Hargeysa, sidoo kalena waxa roobku dhulka ku daa’diyey geedo waaweyn, kuwaasi oo qaarkood jidadka jaray ama gooyey “Dhibaatada Gaadiid leh, Jidad leh, ee Guryo leh way jiraan, laakiin ma badna..” ayuu yidhi Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa.

Waxa kale oo Roobku waxyeello gaadhsiiyey boodhadhka xayeysiisyada meheradaha ee jidadka Caasimadda ku yaalla “Dhibaato weyn waxa Magaalada u geystay meelihii Biyuhu marayeen oo Cidhiidhi la geliyey iyo Boodhadhka Xayeysiiska ee faraha badan oo laga sameeyay Biro culculus, kuwaasi oo aan si aan adkayn dhulka loogu qotomiyey..” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, qaybo ka mid ah Magaalada ayaa xalay waxay ka maqan laydhka oo waa mugdi ah.

Be the first to comment