Kenya Oo Shaacisay Inay Dariiq Kale U Mari Doonto Sidii Ay U Qaadan Lahayd Badda Somaliya Ka Hor Go’aanka Maxkamadda

Nairobi (JigjigaOnline) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda xiga ee kiiska dacwada badda Soomaaliya, kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay illaa 4-ta November.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaadho heshiis ka baxsan maxkamadda oo fursad u siinaya inay hesho badda ay dhawaanta ku qabsatay Somaliya.

“Arrintu maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda mid laba dhinac ah. Waxaan door-bideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tidhi Monica Juma.

Hadalka Juma ayaa qayb ka mid ah loo fasirtay in Kenya ay u aragto go’aanka maxkamadda mid hal dhinac ah oo Soomaaliya kaliya ay dooneyso, sidaas darteedna jumladda ah “Xal kasta oo waara waa inuu noqda mid laba dhinac ah” ay tahay hanjabaad ah in aanay aqbali doonin go’aanka ICJ.

Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in ku dhawaaqidda go’aanka kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bilood.

Warka cusub ee maanta kasoo baxay Kenya ee ah inay isku dayeyso in xal laga gaadho kiiska ka hor maxkamadda, ayaa caddeyn u ah tuhunkii horey loo qabay ee ahaa in qiilkii Kenya ay ku codsatay dib u dhigista ee ahaa inay qoraneyso qareeno cusub, uu ahaa mid aan jirin, balse ay dooneysay kaliya waqti dheeri ah oo ay ku cadaadiso Soomaaliya.