Kaddib Shilkii Dadka Badan Ku Dhinteen, Madaxtooyada DDS Oo Shir Degdeg Ah Yeelatay, Go’aamana Soo Saaray

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxtooyada Dawladda Deegaanka Soomaalida, ayaa maanta lagu qabtay kulan lagu gorfeeyey shilalka baabuurta ee beryahan dambe kusoo batay deegaanka.

Shilal baabuur oo ay dad badan ku naf waayeen ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayay Dawladda Deegaanka Somalida, waxaana ugu dambeeyey mid ay ku dhinteen siddeed qof in kale oo badanna ku dhaawacmeen oo shalay ka dhacay tuulada Lama-dega ee duleedka magaalada Jigjiga, kaas oo ahaa bas ka tegay magaalada Wajaale oo ku socday Caasimadda DDS.

Shilkan ugu dambeeyey ayaa keenay hadal hayn badan oo ah sababaha keenaya shilalka sii badanaya, waxaana markiiba ka jawaabtay Madaxtooyada oo shir iskugu yeedhay masuuliyiinta xafiisyada Ganacisga Gaadiida & Warshadaha iyo Komishanka booliska qaybihiisa Taraafikada iyo waliba waaxda Shilalka.

Agaasime ku-xigeenka xafiiska Madaxtooyada Dawladda Deegaanka, Mudane Cabdirisaaq Sh. Cabdiraxmaan Siyaad oo kulankan abaabulay, xafiiskiisana ku qabtay ayaa waxa uu kala hadlay masuuliyiinta uu u yeedhay inay xog warran ka bixiyaan sababaha shilalkan keenay, isla markaana qiimayn ku sameeyaan sidii ay wax u dhaceen.

Waxa intii uu shirku socday laysla soo qaaday tayada gawaadhiga ka shaqaysa deegaanka, gaar ahaan kuwa dadweynuhu isticmaalaan iyo xirfadda dirawaliinta oo ay isla qateen inay hoosayso.

Waxa kale oo masuuliyiintu ay isla soo qaadeen sida ay xafiisyadani u sameeyaan dabagalka gaadiidka iyo shilalka, waxaanay go’aamiyyeen in si dhakhso ah wax looga qabto dhibaatooyinka shilalka ee sababay dhimashada shacabka iyo burburka hantiyeed.