Jubbaland Oo Lagu Doortay Laba Madaxweyne Oo Iska Soo Horjeeda Iyo Mucaaradkii Oo Kala Jabay

Kismaayo (JigjigaOnline) – Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa lagu dhaariyey laba madaxweyne oo iska soo horjeeda, kuwaas oo hal maalin loogu wada dhaqaaqay inay madaxweyne ka yihiin Jubbaland.

Xubnaha Baarlamaanka ee dhawaanta laga soo xulay deegaankaas ayaa waxay Madaxweyne u doorteen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hore u ahaa madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland, hase yeeshee murashaxiintii kale ee hore u qaaddacay xulistii baarlamaanka iyo guddidii doorashooyinka ayaa waxay iyaguna samaysteen baarlamaan ay iskood u doorteen waxa ay madaxweyne ku doorteen Cabdirashiid Xiddig, kaas oo warbaahinta u sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha la doortay ee Axmed-madoobe

Magaalada Kismaayo ayaa waxa saaka ka dhacay mudaharaadyo kooban oo lagaga soo horjeeda madaxweyneyaasha iska soo horjeeda ee maalinta kaliya loo wada doortay Jubbaland, waxaanay taasi muujinaysaa in shacabku aanay ku qanacsanayn waxa dhacay.

Mucaaradka madaxweynaha doortay ayaa waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Axmed Madoobe in uu soo dhigay shuruudo isagu uu kalidii madaxweyne ku noqonayo oo iyaga reebaya, taas oo keentay inay iyaguna iskood isku abaabulaan, hase yeeshee Sheekh Shakuur oo ka mid ah murashaxiintii kasoo horjeeday Axmed-madoobe ayaa waxa uu ka biyo diiday go’aanka ay qaadeen garabkiisa ee ay madaxweynaha ugu doorteen Cabdirashiid Xiddig.

Cabdirashiid Xiddig oo isagana loo caleemo saaray madaxweynaha Jubbaland

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Jubbaland ayaa ah mid kacsan oo aan la ogeyn dhinaca ay u jihaysan doonto, waxaana wadnaha farta ku haya shacabka oo ka baqaya in qalalaase siyaasadeed oo ay ka faa’iidaystaan uu horseedo ammaan darro ay ka faa’iidaysan karaan kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab.

 

Be the first to comment