JIGJIGA: Xummadda Siyaasadda Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Cagjar Oo Waajahaya Mucaaradkii Ugu Adkaa

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa waajahaya xaalad adag oo mucaaradnimo ah oo ka imanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dareenkooda kusoo bandhigayey baraha bulshada iyo goobaha ay bulshada iskugu timaaddo.

Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ma jiraan warbaahin madax-bannaan oo ay dadku dareenkooda iyo tabashadooda kusoo bandhigaan, laakiin waxa muddooyinkii ugu dambeeyey shaqooyin ka bilaabay telefishannada gaarka loo leeyahay ee Somalida, kuwaas oo iyaguna aan wali ku dhiirranin inay si dhab ah usoo bandhigaan xaqiiqooyinka nololeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo tabashada shacabka, waxaana sababta ay taas u yeelayaan ay tahay si ay uga badbaadaan in lagala noqdo ruqsadda shaqo ee muddada kooban ah ee la siiyey. Waxa kale oo telefishannadan ay khaati ka taagan yihiin inay helaan wararka ay u baahan yihiin, waxaana marar badan lagu amray inay warka kasii qaataan SRTV oo tayo ahaan kaba hooseeya iyaga.

Safarkii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Mustafe ku tegay Wardheer, waxa warbaahintii madaxa bannaanayd ee la socotay laga joojiyey inay duubtaan haba-yaraatee hadalladii iyo kulankii uu la yeeshay odayaasha, waxaana la siinayey muuqaallo lasoo jarjaray oo lagu duubay kamaradda midabkeedu khalkhalsan yahay ee STRV.

Shirarka jaraaíd ee madaxtooyada uu madaxweynuhu ku qabto iyo shirarka xisbiga XDS iyo waliba masuuliyiinta kaleba xafiisyadooda ku qabtaan, looguma yeedho warbaahinta madax-bannaan, waxaana kaliya ay dadku ka daawadaan SRTV maadaama aanay haysanin doorasho kale oo u beddesha.

Isbeddelkii ka dhacay Deegaanku, waxa uu abuuray xorriyad dhaqdhaqaaq iyo afkaar dhiibasho, laakiin ma keenin in ay dadku helaan warbaahin ay afkaartooda iyo tabashooyinkooda ku dhiibtaan, waxaana wali dadka hor taagan telefishanka SRTV oo ah meeshii uu taliskii Cabdi Iley ee dhiigyo-cabka ahaa u adeegsan jiray aflagaadeynta, bahdilaadda iyo ka been sheegidda waxgaradka iyo haldoorka dadka.

Waxa wali deegaanka ka maqan telefishanno madax-bannaan oo ay dadka deegaanku leeyihiin oo ka hawl-gala gudaha dalka, xukuumadda jirtaana ma ogola inay ruqsad siiso warbaahin noocaas ah inkasta oo Dawladda Federaalku ay hadda soo dhawayso xorriyatul-qawlka oo ay ruqsad siisay telefishinno aan wali hawada soo gelin.

Ma jiraan wargeyso madax-bannaan oo kasoo baxa magaalo madaxda deegaanka ee Jigjiga iyo gobollada kale midna, waxaana loo keenaa oo ay akhristaan jariidado ku qoran luuqado qalaad oo ay lacag baan ku iibsadaan, kuwaas oo aan xambaarsanayn wax macluumaad ah oo ku saabsan deegaankooda iyo tabashooyinkooda midna.

Waxa kale oo wali ka maqan DDS warbaahinta Online-ka ah, gaar ahaan Website-yada oo ah kuwa hadda dunidu ugu isticmaalka badan tahay, laakiin taas beddelkeeda waxay dadku fikirkooda kusoo bandhigaan baraha bulshada sida Facebook oo qof walba wixii uu tabanayo uu kusoo qoro.

Baraha bulshadu kuma jiraan warbaahinta rasmiga ah balse waa meel uu qofku u isticmaali karo inuu ku mada-daasho, xog koobanna ka helo.

Arrimahaas oo dhan waxay muujinayaan in xorriyatul-qawlku aanu wali si dhab ah uga hirgelin deegaanka oo ay jirto cabudhin lagu hayo warbaahinta madax-bannaan, taas oo ka dhigan in aanay dadku helaynin macluumaadkii muhiimka ah ee ay u baahan yihiin iyo meel ay tabashadooda ka sheegtaan midna.

Sidaas oo ay tahay, ayaa waxa haddana uu muddooyinkii u dambeeyey madaxweyne mustafe waajahayay mucaaradaddii ugu adkayd intii uu xilka qabtay, waxaana goobaha ay dhallinyaradu iskugu timaaddo ee magaalada Jigjiga iyo baraha bulshada lagu soo bandhigayey inay dadku ka rajo dhigeen madaxweynaha muddada sannadka ah xilka hayey.

Dadkan oo u badan dhallinyarada iyo aqoonyahanka deegaanka ayaa waxay madaxweynaha ku eedaynayeen in eex, qaraabo-kiil iyo beeno badan ay ka hayaan muddadii uu xilka hayey, waxaanay quus ka muujinayaan kartidiisa waxqabad iyagoo tilmaamaya in meel kasta oo muhiim ah uu ka shaqaalaysiiyey dhallinyaro ay hayb wadaagaan.

Xumadda siyaasadda deegaanku waxay sii labo-kaclaysay toddobaadkii hore markii ay soo baxday cajalad muuqaal ah oo lagu soo bandhigay qaabka uu madaxweyne Mustafe u xusho dadka la shaqaynaya, taas oo tilmaantay in miiska goáamada ay la fadhiistaan dad aan u dhalanin deegaanka oo siyaabo qaldan lacagta umadda jeebadda loogu shubo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in madaxweynuhu uu hanan kari waayey kalsoonida umadda, gaar ahaan aqoonyahanka, halka ururada siyaasadda sida ONLF iyo Dulmi-diid ay maalinba maalinta ka dambaysa helayaan kalsoonida umadda.