JIGJIGA: Xogta Booyad SHIDAAL CAYDHIIN Ka Buuxo Oo Muuqaalo Laga Soo Duubay Iyo Tibaax Ciidamadu Bixiyeen

Jigjiga (Jigjigaonline) – Muuqaalka booyad uu ka buuxo shidaal caydhiin ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, taas oo sida ka la daawaday ay gacanta ku dhigeen ciidamada Liyuu Booliska.

Ma jirto cid ka tirsan Dawladda Deegaanka oo ka hadashay arrintan, hase yeeshee, sida ay ku warrantay SDM, muuqaalkan ayaa ah mid laga duubay booyad shidaal caydhiin sidday oo 17-kii bishan July lagu joojiyey tuulada Carmaale ee degmada Elale.

Laba booyadood oo ay ka buuxdo Saliid aan la sifaynin oo ah laga soo qaaday Ceelka Elale ee Dawladda Deegaanka ayaa waxa lagu joojiyey Carmaale, waxaana halkaas gaadhay ciidamada Liyuu Booliska oo baadhitaan ku sameeyey ka hor intii aanay sii daynin labada booyadoodba.

SDM waxay sheegtay in ciidamada ammaanku u xaqiijiyeen in muuqaalka baraha bulshada lasoo geliyey aanu ahayn wax cusub ee uu yahay dhacdadaas hore, ayna ahaayeen booyado sifo qaldan loo joojiyey maadaama sannadkii hore ee 2018 la shaaciyey in maalin kasta 450 foosto laga soo saari doono laba ceel oo ku yaalla Elale, isla markaana loo iib geyn doono warshadaha wax soo-saarka ee dalka gudihiisa, taas oo shirkadda POLY-GCL ay in muddo ahba iibkiisa wadday balse mar dambe ay Wasaaradda Macdanta Itoobiya joojisay.

Wasaaradda ayaa joojinta iibinta shidaalka caydhiin waxay ku sheegtay in shirkadda POLY-GCL aanay haysanin ruqsad ganacsi oo dhinaca iibinta shidaalka caydhiin ah, laakiin ay u fasixi doonto marka ay shirkaddu hesho shatiga ganacsiga.

Dhinaca kale, shirkaddan ayaa ogolaansho u haysata inay shidaal caydhiin kasoo qaaddo ceelasha ay gacanta ku hayso, si baadhitaan loogu sameeyo gudaha dalka amaba dibeddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid caddayn karta in booyadda la qabtay ee shidaalka caydhiin sidday inay ahayd mid ay shirkadda Poly-GCL u wadday arrimo baadhitaan, hase yeeshee wixii faahfaahin ah ee kasoo baxa dib ayaanu idiinka soo gudbin doonaa.