JIGJIGA: Shirkado Iyo Ganacsato Madaxweynaha Hortiisa Kaga Dhawaaqay Lacago Deeq Ah Oo La Baafinayo

Jigjiga (JigjigaOnline) – Guddida Dhaqaale Ururinta Barakacayaasha DDS ayaa soo saaray baaqii labaad ee ay ku baafinayaan ganacsato, shaqsiyaad iyo hay’ado dhaqaale ugu deeqay barakacayaasha, kuwaas oo aan bixin lacagtii ay ballan-qaadeeyn.

Badhtamaha bishan May, waxa magaalada Jigjiga lagu qabtay shir uu hadal ka jeediyey madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo qaadhaan loogu ururinayey barakacayaal ka badan hal milyan oo qof oo ku nool deegaanka, kuwaas oo qorshuhu ahaa in bisha Ramadaan la gaadhsiiyo caawimada la ururiyey.

Lacag ka badan 48 milyan oo Birr ayaa lagaga dhaqay hoolka Qaryaan Dhoodaan oo lagu qabtay shirka, waxaanay iskugu jirtay lacag ka imanaysay madaxtooyada DDS oo ay madaxweyne Cagjar iyo golihiisa wasiirradu mushaharkooda hal bil u jareen, hay’ado iyo shaqsiyaad, hase yeeshee, Guddida Dhaqaale Ururinta Barakacayaasha ayaa soo saaray baaq baafin ah oo markii labaad ay kaga codsanayaan in dadkii lacagaha ballanqaaday ay usoo shubaan si loo gaadhsiiyo Barakacayaasha.

Codsigan oo uu soo saaray Shaafici Daahir Muuse oo ka tirsan Guddida Dhaqaale Ururinta Barakacayaasha, ayaa waxa uu si naxariis leh ugaga dalbaday Yaboohayaashii qaadhaanka inay ku shubaan akown xisaabeedka uga Guddida ee ka furan Baanka Ganacsiga Ethiopia.

Ogeysiiskan codsiga ah, oo dhamaystiran ayaa waxa uu u qornaa sidan:

Waxaa la ‘ogaysiinayaa dhamaan shirkadihii, Xafiisyadii iyo shakhsiyaadkii ganacsatada ahaa ee 15kii Bishan May lacagaha ugu yaboohay barakacayaasha deegaanka inay kusoo shubaan lacagihii ay barakacayaasha ugu yabooheen ACC, 1000220167511(Ethiopian Commercial bank) muddo 2 maalmood gudohood ah.

Sababta aydun lacagahan ugu yaboohdeen waxay ahayd inay kaalmo lagu gaadhsiiyo barakacayaasha aan haysanin raashin iyo waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan, taasoo hada gabagabo maraysa.

Labo maalmood kadib waanu soo daabici doonaa hadii ilaahay yidhaahdo liiska magacda shirkadaha, Xafiisyada iyo shakhsiyaadka aan soo xaraynin wixii ay ku yabooheen si bulshadu u ogaato inayna fulinin balanqaad koodii.”