JIGJIGA: Khasaaraha Ka Dhashay Rasaas Ay Ciidamadu Ku Fureen Badhtamaha Magaalada

Jigjiga (JigjigaOnline) – Ugu yaraan laba qof ayaa cusbitaalka loola cararay markii ay dhaawacyo kasoo gaadheen xabbado ay badhtamaha magaalada Jigjiga ku fureen ciidamada ammaanku.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada oo ku saabsan dhacdadan, hase yeeshee labada qof oo dhaawacyo rasaas ahi soo gaadheen ayaa xaaladdooda lagula tacaalayaa cusbitaalka Referral-ka ee magaalada.
Shilkan ayaa dhacay markii ay ciidamadu rasaas nool ku fureen gaadhi looga shakiyey inuu sido alaab sharci-darro kusoo gashay dalka, taas oo aan soo marin kastamyada cashuuraha.
Arrintan oo muujinaysa masuuliyad-darro ay ciidamadu sameeyeen, ayaa waxa ay xabaddu haleeshay laba qof oo shacab ah oo faras-magaalaha ku sugnaa.
Illaa hadda dhakhaatiirtu warbixin kamay soo saarin sida ay tahay xaaladda caafimaadka ee labada qof, balse saraakiisha ciidanka ayaa tegay cusbitaalka si ay indhahooda ugu soo arkaan dhaawaca.
Warku waxa uu intaa ku daray in ciidamadu ay xabbadda ku wadeen gaadhi la sheegay inuu Koontarabaan siday, kaas oo aan la garanayn sida ay ugu suurtogashay inuu gudaha magaalada soo galo iyo qaabka uu uga soo gudbay kaantaroollada ku yaalla waddooyinka soo gala magaalada.