Jigjiga: Dhismeyaasha Waddooyinka Iyo Laydhka Qurxinta Jidadka Caasimadda Oo Gebo-gabo Maraya

Jigjiga (JigjigaOnline) –  Magaalada Jigjiga ee xarunta DDS iyo gobollada kaleba, waxa ka socda mashaariic horumarineed oo wax lagaga qabanayo kaabeyaasha aasaasiga ee dalka.

Mashaariicda dhismeyaasha ee ka socda gudaha magaalada Jigjiga ayaa inta badan dhamaaday, waxaana lagu jiraa xaalxaalka iyo gunaanadka waddooyinka xaafadaha dhexdooda ee la dhigayo dhagaxa qoran ee loo yaqaano Cobblestone.

Jidadkan oo ay dhisayaan dhallinyaro ay dawladdu shaqo-abuur uga dhigtay, ayaa waxa warbixin ka diyaariyey telefishanka Horn Cable Tv, waxaana goobaha shaqadu ka socoto booqday wariye Nimcaan Axmed Cabeeye oo ka oo waraysiyo kasoo qaaday dhallinayarada mashaariicda fulinaysa, dadka ka shaqaynaya hawlaha dhagax dhigista iyo hay’adaha kormeerka ah.

Halkan ka daawo warbixinta:

Be the first to comment