JIGJIGA: Baadariga Uga Sarreeya Diinta Kiristaanka Oo Kusoo Jeeda Jigjiga Iyo Ujeeddadiisa Oo La Xidhiidha Xafladda August 4 Iyo Xogta Inuu Dhici Karayo Mudaharaad Ay Qowmiyaduhu Sameeyaan

Jigjiga (Jigjigonline) – Sannad ayaa kasoo wareegtay maalintii rabshaduhu hadheeyeen magaalada Jigjiga iyo qaybo ka mid ah dawladda Deegaanka Soomaalida, markaas oo ahayd xilligii uu madaxweynihii hore ee Cabdi Iley amar ku siiyey kooxdiisii HEEGO inay burburiyaan magaalo madaxda DDS, isla markaana cagta mariyaan meel kasta oo ganacsi oo dhaqaaqaysa, taas oo uu uga dan lahaa inuu cagaha dhulka u dhigo magaalada camiran oo ay u noqoto mid Xabaalo u eg oo ganacsiyada dadkuna u baaba’aan.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxa bulshadu aad u hadal haysay, xuska maalinta August 4 oo la wariyey in Qaysaska Diimuhu u tageen madaxda ammaanka Deegaanka oo ay ka dalbadeen inay bannaan-bax sameeyaan, loona ogolaaday sida hadal-hayntu sheegaysay.

Haddaba, hoggaan ku-xigeenka nabad-gelyada Dawladda Deegaanka, Cabdillaahi Dheere oo la hadlay SRTV ayaa sheegay in dadka Qowmiyadaha kale oo kaliya aanay dhibaato soo gaadhin, balse dadka dhibaatada ugu badan ay soo gaadhay ay yihiin Soomaalida.

Cabdullaahi Dheere waxa uu sheegay in haba-yaraatee aanu wax bannaan-bax ahi ka dhici doonin Jigjiga iyo magaalooyinka kale toona oo ay u sheegeen wadaadda Diinta Kiristaanka, laakiin ay samaysan doonaan xaflad ay xadhigga kaga jarayaan Kaniisaddii la gubay oo dib loo dhisay, isla markaana uu kasoo qayb-geli doono Baadarigaa ugu sarreeya Diinta Masiixiga ee Itoobiya.

Sida masuuliyiinta xafiiska nabad-gelyadu xaqiijiyeen, marka xafladda xadhig ka jaristu dhamaato, ma  jiri doonaan wax dhaqdhaqaaq ay oo ka dhici doona goobtaas, ciidamaduna ay heegan ugu jiraan inay gacan bir ah ku qabtaan wixii amniga magaalada dhibaato u keenaya.

Dhinaca kale, waxa magaalada Jigjiga laga dareemayaa ammaanka guud oo la adkeeyey iyo ciidamo intii hore ka badan oo goobaha qaarkood jooga, kuwaas oo laga sii badin doono maalinta Axadda ah, si looga hor tago rabshado dhaca.

Be the first to comment