Warar ay BBC-du laanta Afka Tigreega ay heshay ayaa sheegaya in Jeneraalkii ugu sareeyay ciidamada Itoobiya qeybtooda Koonfureed ee fadhigiisa ahaa magaalada Harar uu ku geeriyooday dalka Thailand.
Sida ay ehelka jananka u xaqiijiyeen BBC-da, Abraha Weldemariam ayaa u dhintay xanuunka Kansarka oo kaga dhacay sanbabada.
Jeneraal Gabre ayaa aad caan uga ahaa dhulka Soomaalida Itoobiya , isaga oo sidoo kale mas’uul ka ahaa hawlgaladii ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen Soomaaliya sannadkii 2007-dii.
Waxa uu ka mid ah taliyeyaashii xilka ciidanka ka fariistay markii uu isbadelka ka dhacay dalka Itoobiya.
Be the first to comment
You must log in to post a comment.