Jaajuuskii Mareykanka laga musaafuriyay ee Ruushka shaqada laga siiyay

Maria Butina, sirdoonkii Ruushka ee laga masaafuriyey Mareykanka, waxaa la siiyay shaqo lagu difaacayo Maxaabiista Ruushka u dhashay ee ku xiran dalkaas dibaddiisa.

Butina, oo 30 sano jir ah waxaa la xiray bishii July ee 2018-kii, waxayna qiratay inay si qarsoodi ah ku dhex gashay Hay’adda Qaran ee Hubka ee Mareykanka, iyadoo ahayd sirdoon Ruush ah.

Waxaanaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ka dibna bishii October ee sannadkan ayaa loo muusaafuriyay Moscow.

Tatyana Moskalkova, oo ah Wakiilka sare ee Ruushka u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa shaqo siisay Butina taasi oo lagu “difaacayo walaalaha Ruushka ee ku xiran dibadda”.

Waa tuma Maria Butina?

Waxay u ololeeysaa xuquuqda lahaanshaha hubka oo markii ay dalka dib ugu so laabatay waxay ka qeyb gashay kulamo looga hadlayay hubka Qaranka. Sannadkii 2015-kiina waxay ka ka qeyb gashay olole uu madaxweyne Trump ku qabtay Las Vegas.

Sannadkii 2016-kii Butina waxay Mareykanka u aadday waxbarsho iyadoo ku biirtay jaamacadda American ee Washington.

Laba sannadood ka dib, waxaa xiray FBI-da Mareykanka iyadoo lagu eedeeyay inay basaas u tahay Ruushka.

Maxay tahay sababta loo soo eedeeyay?

Sannadkii 2015-kii, FBI-da ayaa sheegtay in Butina ay farrin email ah u dirtay qof u ololeynayay xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo, Paul Erickson, Waxaana la sheegay inay isaga la noolayd.

Waxay ninkaas weydiisatay in iyadoo adeegsanaysa xiriirrada NRA ay furto wada hadal aan rasmi ahayn oo ay lala yeesho dadka xagjirka ah ee Mareykanka iyo in la farageliyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriga, taas oo sida caadiga ah uu Ruushka u arko halis.

Saraakiisha waxay sheegeen in Butina uu soo hagayay Alexander Torshin, kaas oo ah nin galaangal badan leh, horeyna uga mid ahaa Aqalka Sare ee Ruushka.

Mr Torshin waxaa dhankiisa lagu oogay baaritaan ku saabsanaa in uu lacag siiyay NRA si uu faragelin ugu sameeyo siaasadaha mayilka adag.

Waxaa cunna qabateyn laga saaray Mareykanka, 2018-kii, balse dacwad laguma oogin.

Markii la xukumayay Butina waxay muujisay in ay ka shalayneyso wixii ay sameysay: “Waxaan baabi’iyay nolosheyda”, ayey ka tiri maxkamadda.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa “ka xanaaqay” xukunka, wuxuuna ku tilmaamay “xeelad cadaalad darro ah”.

Butina waxaa xabsi ku yaalla Florida laga sii daayay bishii October ee sannadkan, waxaana dib loogu celiyay magaalada Moscow.

Markii ay gaartay garoonka diyaradaha ee Moscow, waxa soo dhoweeyay aabeheed iyo dad kale oo u baxyo ku qaabilay.

Waxay wareyeyaasha u sheegtay in “Ruushka uusan waligii isu dhiibeynin cid kale”, waxay intaasi ku dartay inay aad ugu faraxsantahay inay hadda gurigeeda joogto.

Be the first to comment