Itoobiyaan Ku Guuleystay Bakhtiyaa Nasiib $10 Milyan Ah Oo Lagu Dilay Addis Ababa

Toronto (JigjigaOnline) – Michael Gebru oo haysta dhalashada waddanka Canada ayaa la sheegay in toddobaadkan lagu dilay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Michael Gebru oo bishii June, 2017 ku guuleystay bakhtiyaa-nasiib lagu magacaabo Lotto Max oo uu ku helay lacag dhan 10.7 milyan oo dollar ayaa Khamiistii shalay lagu dilay magaalo madaxda Addis Ababa.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Itoobiya oo ku saabsan dilka loo geystay Michael Gebru, hase yeeshee Dagmawi Tariku oo ah wariye hore oo caan ka ahaan jiray Itoobiya, kana hawl-geli jiray Ethiopian FM, kuna sugan magaalada Toronto ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku sheegay in Khamiistii lagu dilay Addis Ababa saaxiibkii Michael Gebru.

Dagmawi Tariku oo warkan ku qoray luuqadda Amxaariga, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Michael Gebru ay dileen dad u muuqday inay ahaayeen budhcad baadhanayey.

Waxa kale oo uu intaa ku daray, in warkan ay u xaqiijiyeen ehelada Michael Gebru oo uu la xidhiidhay.

Michael Gebru markii uu ku guuleystay bakhtiyaa nasiibka badhtamihii sannadkii 2017 ayaa waxa uu ku noolaa Scarborough.