Itoobiya: Xisbiga PP Ee Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Oo Dalbaday Shahaadada Xisbinimada Iyo In Ruqsadda Lagala Noqdo Xisbiyo Uu Ku Jiro XDS

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Xisbiga dhawaanta la sameeyey ee Barwaaqada ee dalka Itoobiya ayaa Komishanka doorashooyinka ka dalbaday in loo diiwaangeliyo xisbi ahaan, lana siiyo ruqsadda ay kaga qayb-geli karayaan doorashada.

Xisbiga Barwaaqada oo ka kooban xisbigii EPRDF oo lagu kordhiyey axsaab aan hore uga mid ahayn oo ka talisa Kilillada dalka, balse uu ka maqan yahay Xisbiga Tigray-ga ee TPLF oo diiday.

Warqad uu xisbiga PP u diray Komishanka doorashooyinka ayaa waxa uu kaga dalbaday in la siiyo liisanka xisbinimo oo u ogolaanaya inay ka qayb-galaan doorashooyinka soo socda, kuwaas oo halka uu doonayo xisbigu inuu sida adag iskugu diyaariyo si uu talada dalka usii haysto.

Qoraalka xisbigu u diray NEBE waxa kale oo uu ku dalbaday in shahaadada xisbinimo laga kansalo siddeed xisbi oo ka mid ah isbahaysiga PP, kuwaas oo Komishanka loogu sharraxay inay ka tanaasuleen xisbinimadoodii isla markaana xisbigan si buuxda ugu biireen.

Komshishanka doorashooyinka Itoobiya ayaa waxa la filayaa in maalmo gudahood ay kaga soo jawaabaan qoraalka xisbiga PP, isla markaana ay siiyaan shahaadada xisbinimo.

 

Be the first to comment