Itoobiya Waxay U Burburi Doontaa Sidii Yugoslavia, Inqilaabkuna Wuxuu Cirka Ku Shareeray… – Wargeyska The Telegraph Oo Warbixin Xaasaasi Ah Ka Qoray Itoobiya

London (Jigjigaonline) – Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa warbixin xaasaasi ah ka qoray xaaladda dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay inuu noqon doono mid u burbura sidii Yugoslavia oo u qaybsantay toddoba waddan, isla markaana ay ka dhaceen dagaallo dad badan ku dhinteen iyo xasuuqii ugu xumaa ee soo maray qaaradda Yurub intii ka dambaysay dagaalkii labaad ee Adduunka.

Warbixintan oo ahayd mid dheer ayaa waxa uu wargeysku tilmaamay in xiisadaha ka jira Itoobiya ee isku-dhacyada qowmiyadaha, isku-daygii afgembi ee ka dhacay Axmarada iyo maleeshiyada Dawlad Deegaannadu inay keeni karayaan in dalku uu u googo’o si la mid ah dalkii la odhan jiray Yugoslavia oo u kala jabay Serbia, Croatia, Bosnia &Herzegovina, Macedonia, Solovenia, Kosovo iyo Montenegro.

Wargeysku waxa uu xusay in dalka Itoobiya uu kaalinta koowaad ee dunida ka galay Qaxootiga iyo bara-kacayaasha sannadkii hore, kaddib isku-dhacyo qowmiyadeed oo meelo badan oo dalka ah ka qarxay.

Warbixinta ayaa lagu bilaabay qaabkii uu u dhacay iskudaygii inqilaabka ee dhicisoobay ee Axmaarada.

“Kulanku wuxuu ahaa mid lagu wadaagayey sir culus. Nimankii qolka iskugu yimid waxay ahaayeen kuwa ugu awoodda badan Gobolka Amhara ee woqooyiga Ethipia. Ajandaha horyaallay shirkani wuxuu ahaa mid khatar ah: In meesha lagaga saaro Asamnew Tsige, madaxii ammaanka gobolka oo mugdi ka galay in dalku ku taagan yahay hadafkii loo aasaasay Ethiopia.  Laakiin si ay noqotayba, Mr Asamnew wuxuu ka war helay wixii meesha ka socday.” Ayuu wargeyska The Telegraph ku yidhi bilowga hore ee warbixintiisa.

Wargeysku waxa uu sheegay in ka qaybgaleyaal aan la garanaynin, kolonyo daacad u ah Tsige, ciidamo hubaysan, kuwo ku labbisan dharka milateriga oo aan hore loo arag ay socdeen dariiqyada dhirta cagaaran ee magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Axmarada, halka qolkii ku yaallay madaxtooyada ee shirku ka socdayna uu noqday mid uu dhiiggu qolqulay oo ay ku dhex dhinteen madaxweynihii gobolku.

“Meelo kale oo magaalada Bahir Dar ah, dad daacad u ah Asamnew ayaa lagu warramay inay isku dayeen inay qabsadaan xarunta booliska iyo dhismaha warbaahinta dawladda. Saacado kaddib dilalka ayaa sii batay, waxaana ku xigay madaxii awoodda badnaa ee Ciidamada Seare Mekonnen iyo janaraal hawlgab ah oo soo booqday oo la toogtay xilli ay ku cashaynayaan magaalada Addis Ababa oo 300 mile dhinaca Koonfur ka xigta Bahir Dar.” Ayuu mar kale yidhi wargeysku.

Warbixinta uu wargeysku qoray waxay intaa ku daray in Itoobiya oo maalmo ka hor dilka jartay Internetku ay sii daysay faahfaahin kooban, ayna raadisay qaab ay ku xakamaysay arrinta iyadoo sheegtay inay ka hor tagtay afgembi ka dhaca gobolka. Laakiin ay jiraan dad kale oo walaac badan qaba, soona jeedinaya in rabshaduhu ay ahaayeen kuwo aan lasii qorshaynin.

“Siday doontaba runtu ha ahaatee, shirqoolladani waxay bannaanka keeneen halista ay Itoobiya waajahayso.” Ayey tidhi warbixintu.

“Intii uu xukunka hayey Ra’iisal Wasaaraha da’da yare e Abiy Ahmed, Itoobiya waxay sare uga soo kacday halkii ay sannadkii ka horreeyey taagnayd, waxaanay ka mid noqotay waddamada ugu koboca badan dawladaha Afrika. Laakiin isbeddellada waxa hoos u dhigay, inta badan waddanka waxa ka jiray isku-dhacyo. Illaa 3.2 milyan oo dad ah ayaa ka bara-kacay isku-dhacyada qowmiyadaha oo dalka ka taagnaa 18-kii bilood ee ugu dambeeyey, kana dhigtay in qaxootigu ka bato midka Syria, Iraq, Yemen iyo Somaliya oo laysku daray, taas oo keentay in in la bixiyo digniino musiibooyin binu-aadanimo ah.

Iyadoo mar horeba xaaladdu xumaatay, haddana waxay noqon kartaa bilow uun. Goob-joogeyaasha iyo diblomaasiyiintu waxay ka digayaan in dalku uu kusii socdo, kuna sii dhowaanayo musiibo, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha qowmiyadaha ee suurtogalka ah, kuwaas oo khatar ku ah inay galaaftaan waddan ay ku nool yihiin 100 milyan oo qaabkii gooni-ugoosatadii xagjiriinta Yugoslavia oo kale ay ka jiraan (Yugoslav-style secessionist conflagration).” Ayuu wargeysku ku yidhi warbixinta.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay oodda ka qaadday kunnaan siyaasiyiin jeelasha ku jiray, dalkeedana ay ku marti-qaaday inay dib ugu soo laabtaan kooxo mucaarad oo mamnuuc ahaa oo ay ku jiraan kuwo hubaysnaa oo dawladda kasoo horjeeday sida Ginbot 7 oo ah dhaqdhaqaaqa soo daayey Mr Asamnew oo muddo toban sannadood ah jeelka ugu jiray xukun ah inuu sameeyey isku-day afgembi.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Itoobiya ay heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Eritrea ee dhiigga badan ku daatay sannadkii 1998, sidoo kalena uu Abiy Ahmed balaayiin dollar oo mucaawimooyin iyo maalgelin ah helay si uu sare ugu qaado dhaqaalaha dalka ee deymaha badan lagu leeyahay.

“Falanqeeyeyaal badan ayaa waxay soo jeedinayaan inuu aad u dheeraynayo (tallaabooyinka Abiy Ahmed). Sannadkii 1995-kii, dastuur cusub ayaa dalka u qaybiyey sagaal Dawlad Deegaan oo gobollo ku salaysan qowmiyad ah, laakiin Mr Abiy isbeddello dimuquraadiyadeed ayuu ku tallaabsaday si uu meel ugu sameeyo damaca qowmiyadaha, waxaanu awood u yeeshay inuu ilaaliyo oo uu sii wado. Xisbiyada qowmiyadeed ayaa si furan u soo bandhigaya farriimo badan oo ku saabsan dhibaatooyinkii maamulladii hore u geysteen, kuwaas oo dib u hurinaya khilaafaadka xuduudaha, soona bandhigaya dhibaatooyinka ka jira gobollada ay qowmiyadahoodu ku nool yihiin.

Marka arrimahan la eego, waxa jira waxyaabo badan oo ay ka midaysan yihiin Yugoslavia-yadii 1990s, halkaas oo dawlad federal ay abaabushay iyadoo ay garab socdaan layman qowmiyado ah, kaddibna qarxeen isku-dhacyo la mid ah kuwa Itoobiya.” Ayuu wargeysku ku yidhi warbixinta.

Riix 2 si aad u wada akhrisato warbixinta