ITOOBIYA: SIDAMA O looga dareeray afti lagu badinayo tirada gobollada heer federaal

Hawassa (JigjigaOnline) – Shacabka ku nool gobolka Sidama ee dalka Itoobiya ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay uga qeyb qaataan afti gobolkaas uu ku raadinayo inuu noqdo maamul gaar ah.

Magaalada caasimadda u ah gobolka ee Hawassa, goobaha codeynta ayaa aroornimadii saaka si ah u furmay, waxaana halkaas lagu arkayay dadweyne badan oo codkooda dhiibanayay.

Goobaha codeynta ayaa si rasmi ah u furmay 6-dii subaxnimo, waxaana lasoo xiri doonaa 6-da maqribnimo.

In ka badan 2 Malyan oo qof ayaa isku diwaangeliyay inay qeyb qaataan aftida gobolkaas uu maamul gooni ah ku raadinayo.

Gobolka Sidama ayaa waxaa ku nool qowmiyadda shaanad ee ugu tiro badan dalka Itoobiya, waxaana ku nool halkaas in ka badan 4 Malyan oo qof.

Bishii July ayay aheyd markii dibadbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Sidama, waxaana halkaas ku dhintay tiro dad ah, shacabka ayaa dadaal ugu jiray sidii uu maamul gaar ah uu gobolkooda ku heli lahaa.

Natiijada aftida ayaa lagu wadaa in shaaca laga qaado dabayaaqada toddobaadkan.