Itoobiya Oo Sii Deysay 121 Ka Mid Ah Dadkii Loo Xidhay Inqilaabkii Fashilmay

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay inay sii deysay 121 qof oo ka mid ah dadkii loo xidhay isku-daygii fashilmay ee Inqilaabkii Dawladda Deegaanka Axmaarada, halkaas oo lagu dilay madaxweynihii iyo Taliyihii Ciidamada dalka oo lagu dhex toogtay gurigiisa Addis Ababa.

Sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo Khamiistii ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis Ababa, 355 qof ayaa loo qabtay inqilaabka fashilmay, waxaana wali xidhan in ka badan 170 qof oo ay ku socoto baadhis la xidhiidha arrinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin rag lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen maleegayaashii shirqoolka.

Dr. Abiy Ahmed waxa uu xusay in dhacdadii 22 June ay ahayd mid khatar ah oo guud ahaan dalka ka abuuri gaadhay xasillooni-darro

“Wixii dhacay 22 June waxay ahayd khatar, waxaanay guud ahaan dalka ka abuuri gaadhay xasillooni darro. Waxa dhalan lahayd khatar haddii aannaan gacanta ku qaban lahayn.” Ayuu yidhi Ra’iisal wasaaruhu.

Dr. Abiy waxa uu tilmaamay in dadka u xidhan ay ka heleen xog muhiim ah, kuwo kalena ay baadhistu ku socoto, halka mid ka mid ah dadka xogta ugu muhiimsan ay ka filayaan uu ku jiro dhakhtarka oo uu xaalad caafimaad u jiifo.