Itoobiya Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Adeegga Internet-ka Oo 10 Maalmood Ah Ay Joojisay

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Shirkadda isgaarsiinta ee dawladda Itoobiya oo ah mida kali ah ee dalkaas ka hawl gasha ayaa raaligalin ka bixisay khad la’aantii internetka ee soo taagnayd toddobaadka ka badan.

War qoraal ah oo ay soo saartay qaybihii dambe ee Talaadada ayaa ahaa hadalkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee ay ku qiratay in adeeggu maqnaa.

“Waan la soconnaa in carqalad ay ka jirtay khadka internerka tan iyo 10kii bisha Juunyo,” ayay tiri shirkadda Ethio Telecom.

“Raali galin ayaan gaarsiinaynaa macaamiishanada ay arrintaasi saamaysay”.

Si kastaba ha ahaatee wax faahfaahin ah lagama bixin khadka maqnaa. Toddobaadkii horana Ethio Telecom ayaa laanta Afka Amxaariga ee BBC u sheegtay in aysan haysan fasax ay uga hadli karta arrimaha khadka.

Waxaa aad loo rumasytay in khadka loo xiray taxadar ahaan si aan loogu qishin imtixaanaadka qaranka, maadaama oo uu ku aaday wakhtigii la qaadayay imtixaanka shahaadiga ah.

Imtixaankii u dambeeyay ayaa la qaaday Talaadadii, intermnetkii ayaana hadda soo laabtay.