Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey Inay Ka Gaabsatay Inay Sharraxdo Sababta Markii Horeba Loo Sameeyey Khariidadda Qaldan

Muqdisho (JigjigaOnline) – Dawladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyey inay ka gaabsatay inay sharraxaad faahfaahsan ka bixiso khariidadda qaldan ee lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha dibedda.

Website-ka wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa shalay la soo geliyey khariidadda qaaradda Afrika oo Somaliya lagu daray dhulka Itoobiya, waxaana ka dhalatay cadho badan oo dadka Soomaalida ah ay ka muujiyeen, kuwaas oo qaarkood ku doodeen inay muujinayso qorshe qarsoon oo Itoobiya ay ku doonayso inay ku qabsato Somaliya.

Dawladda Federaalka Somaliya iyo maamul goboleedyada midna kama hadal, hase yeeshee, wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu su’aal geliyey sababta markii horeba ay Itoobiya u samaysay khariidadda qaldan ka hor intii aan website-ka Wasaaradda Arrimaha dibedda lagu daabicin.

Yuusuf Garaad oo ah diblomaasi iyo wariye caan ah oo muddo dheer soo maamulay BBC Somali, ayaa waxa uu tilmaamay inuu soo dhoweynayo jawaabta ay Itoobiya ka bixisay khariidadda iyo inay ka saartay website-keeda, hase yeeshee, waxa uu ku eedeeyey inay ka gaabsatay inay faahfaahin buuxda ka bixiso sababta keentay in sawir noocan ah la sameeyo.

Khadiiradda qaldan ee lagu daabacay website-ka wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya

Qoraalkan oo Yuusuf Garaad uu ku baahiyey bartiisa Twitterka isagoo ku qoran luuqadda Igiriisida, ayaa waxa uu ku yidhi: “Waxaan soo dhoweynayaa in Itoobiya ay websit-keeda rasmiga ah ka saartay Khariidadda ay inta badan ee Somaliya ugu dartay Itoobiya. Bayaan ay kasoo saartay khariidadda waxay ku tilmaantay “mid qaldan oo aan la aqbali karin”. Sidaas oo ay tahay, waxay ka gaabsatay inay sharraxaad ka bixiso sababta markii horeba loo sawiray khariidadda iyo sida ugu dambayn loogu daabacay barteeda.”