Itoobiya Oo Laga Helay Qalab Shaqaynayey 2.6 Milyan Sannadood Ka Hor Iyo Deegaanka Uu Yaallay

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Seynisyahannada caalamiga ah iyo kuwa Itoobiya ayaa helay wax ay ku tilmaameen qalabkii labaad ee ugu xilliga horreeyay ee la arko, sida uu qoray wargeyska ka faallooda arrimaha taariikhda iyo dabiiciga ee Nature World News.

Qalabkan oo ka kooban dhagaxyo ayaa lagu arkay gobolka Canfarta ee ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in da’dooda ay tahay 2.6 milyan oo sano.

David R Braun, oo qeyb ka ah cilmi baadhistan ayaa warbaahinta Itoobiya ugu sheegay in “qalabkan dhagxyada ah waa hore la adeegsan jiray” ayna 100,000 oo sano ka weyn yihiin qalabyadii kale ee laga helay Itoobiya, sida ay warbaahinta maxalliga ah kasoo xigteen isaga qudhiisa.

Dhagaxyadii ugu da’da weynaa ee abid la arkay ayaa laga helay dalka Kenya waxaana da’dooda lagu sheegay 3.3 malyan oo sano.