Itoobiya Oo Ka Hadashay Weerar Xalay Lagu Qaaday Saldhig Boolis

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Booliska Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay dad looga shakiyay weerar lagu qaaday saldhig boolis oo ay ku dhaawacmeen 9 qof kaddib markii waxyaabo looga shakiyay inay yihiin bambo gacmeed lagu tuuray halkaas.

Weerarka ayaa xalay ka dhacay Deegaanka Oromada xilli shacabka ay u dabaal-degayeen munaasabadda sannadka cusub.

“Weerarka waxaa lala beegsaday xarun ciidammada ka hortagga rabshadaha ay ku leeyihiin degmada Buraya” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay xafiiska isgaadhsiinta ee maamulka.

Booliska Itoobiya ayaa BBC u xaqiijiyay in tiro dad ah la xidhxidhay inkasta oo aanay sheegin tirada rasmiga ah.

Telefishinka dowladda waxaa uu baahiyay in tirada dadka loo qabqabtay weerarka ay gaadhi karaan 22 qof.

Ma jirto cid sheegatay weerarka ka dhacay Oromiya, hase yeeshee waxa jira tuhunno badan iyadoo farta lagu godayo qolyo nabad-diid ah oo dhawaan ay diyaaradaha dagaalku ku duqeeyeen buuraley ku yaalla Oromiya.