Itoobiya Oo Holac Siyaasadeed Madaxa La Gashay, Dhibaatooyin Kasoo Fool Leh Deegaamo Cusub Iyo Xaaladda Guud Ee Dalka Oo Qas Ka Muuqdo

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Qowmiyadda Sidaama oo ah qowmiyadda ugu badan qowmiyadaha ku bahoobay deegaanka shucuubta koonfureed ee dalka Itoobiya, waxay si iskood ah maalinti khamiista ugu dhawaaqeen deegaan iyaga u gaar ah caasimaddiisuna tahay Hawasa.

Magaalada Hawaasa oo ah caasimadda deegaanka shucuubta koonfureed ee dalka Itoobiya waxaa ka socdo mudaharaadyo ay qowmiyadda Sidaama ku dalbaneyso in ismaamul gaar ah loo sameeyo.

Xisbiga deegaankaasi ka arrimiya ee SPDP oo shir 10 maalmood u socday uu u soo gabagaboobay ayaa sheegay inuu dib u dhigay codsiga qowmiyaddaasi ee ku saabsan iney ismaamul gooni ah noqdaan.

Guddiga doorashooyinka qarankana wuxuu sheegay codsiga qowmiyadda Sidaama sida uu dastuurka dalkaasi dhigayo in looga jawaabayo guddiguna uu diyaarinayo afti qowmiyaddasi laga qaado, aftidana uu qabanayo dabayaaqada sanadkan.

Dhallinyarada Qowmiyadda SIDAMA

Afhayeenka Xisbiga siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa xureynta Sidam SLDP Desalegne Megersa wuxuu sheegay aftida la qaban rabo bisha November uu yahay mid aan la aqbali kareyn oo loo baahan yahay in ciodsiga shacabka la aqbalo.

Mate Mengesha oo u dhaqadhaqaaqa xorriyadda shacabka wuxuu sheegay ciidamada ammaanka iney hor istageen shir ay yeelan lahaayeen odayaasha qowmiyaddaasi iyo ururka dhalinyarada oo ay rabeen iney si rasmi ah ugu dhawaaqaan deegaan iyaga u gaar ah.

Kusimaha xafiiska nabadgalyada ee deegaanka shucuubta Koonfureed Andinet Ashanafi oo saaka BBC u warramay wuxuu sheegay iney magaalada ay xoogaha deggan tahay walow ay rabshada aan badnayn xaafadaha qaar ay ka dhacayaan.

“Magaalda Hawasa hareeraheeda waxaa laga maqlayaa rasaas googoos ah. Waddooyinkana mudaharadayaashu waxay ku gubayaan taayarro iyaga oo dhagaxaan waaweyn jidgooya ku sameeyey. Qofwalba wuu cabsanayaa oo guriyaha lagama soo bixi karo, meel kastana waxaa taagan ciidamo hubeysan” ayuu yiri Dr Abel Gedefaw oo ah agaasimaha kulliyadda caafimaadka jaamacadda Hawasa.

Xaaladda ka taagan deegaanka shucuubta koonfureed ee ay qowmiyadda Sidama ku dooneyso iney deegaankaasi ka go’do oo ay ismaamul gooni ah sameysato ayaa lagu sheegay iney tahay madax xanuun siyaasadeed oo hore leh oo ku soo kordhay Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Dadka falanqeeya siyaasadda Itoobiya waxay arrintan ku tilmaameen mid sii murjin karto siyaasadda dalka Itoobiya isla-markaana dhiig badan uu ku daato. Haddii qowmiyaddan codsigeeda la yeelo waxaa iman kara qowmiyada kale oo iyaguna ismaamul horay u codsaday iyada oo ay qowmiyadda Sidaama durbadiba labeysay qowmiyadda Walayta oo ka tirsan ismaamulka shucuubta Koonfureed.

Qaab dhismeedka dalka Itoobiya ee hadda jira oo ka kooban 9 dowlad deegaan (ismaamul), dastuurka dalkaasi uu ku dhqmo wuxuu dhigayaa qowmiyadda codsato iney ismaamul gooni ah noqoto ama sameysatyo laga billaabo maalinta ay codsigeeda dowladda dhexe u gudbisay hal sano gudahii in afti loo qaadayo.

Markii uu isbaddallo taarikhi ah ka sameeyay dalkiisa, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed waxaa soo wajahday handadaad iyo halis, dilkii madaxii ciidammada guud ee dalka Itoobiya kaddib afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Amxaarada waxaa ay dhacdadaas noqotay mid halis ku ah hannaanka isbaddallada ka socda dalkaas, weriyaha BBC Fergal Keane, ayaa waxaa uu eegaya caqabadaha soo wajahay hoggaamiyaha ugu da’da yar qaaradda.

Toddobaadyo uun ka hor markii ay dhibaatadaas ka dhacday gobolka Amxaarada, horumarada iyo isbaddallada uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul wasaare Abiy ayaa waxay ku socdeen si xowli ah, waxaana guud ahaan qaaradda looga aqoonsaday inuu yahay hoggaamiye isbaddal raadis ah.

Waxaa uu xabsiyada kasoo daayay maxaabiistii u xirneyd siyaasadda dalka Itoobiya, waxaa uu kala bar jagooyinka sare ee dowladda u magacaabay haweenka gaar ahaan golaha wasiirada iyo guddiga doorashooyinka, waxaa uu sidoo kale heshiis taarikhi ah la galay dalka deriska ee Eritrea, waxaana halkaas lagu soo afjaray dagaalkii xadka ee ka dhexeeyay Eritrea iyo Itoobiya.

Weriyaha waxaa uu sheegay in markii uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha bishii December ee sannadkii tegay, waxaa ka muqday kalsooni uu dalka horumaro ballaaran ku gaarsin karo, waxaa uu yiri “waxaan doonaya in aan arko shacabka Itoobiya oo si nabad ah ku wada nool”

Malaayin qarka u saaran halis

Markii uu afgembigii dhicisoobay ka dhacay gobolka Axmaarada kaas oo lagu dilay madaxweynihii maamulkaas iyo madaxii ciidammada guud ee federaalka, Janaraal Seare Mekonnen, waxay u muuqataa in awoodda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Abiy ay u muuqato mid kusoo fool leh halis isla markaasna laga dheehan karo jilicsanaan dhanka amniga ah.

Hoggaamiyihii lagu eedeeyay inuu horkacayay iskudaygii afgembi ayaa la toogtay, waxaana xabsiyada la dhigay saraakiil balse ma jirto cid heyso macluumaad ku aadan in xaaladda sidaas lagu soo afjaray weerarka kaddib.

Ku dhawaad 2.5 malyan oo qof oo Itoobiyaan ayaa ka barakacay dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha qaar , kala qeybsanaan ayaa ka dhex jirta xisbiga EPDRF ee haya talada dalkaas, Abiy Axmed waxaa uu yahay qof ku dhex dhibaateysan xisbiga.

Abiy Axmed waxaa uu dhibaane u noqday isbaddallada uu ka wado dalkiisa.

Itoobiya waxaa ka jiraa 9 maamul goboleed oo ku dhisan nidaamka qowmiyadda.

Kala qaybsanaantan ayaa ahayd mid jirtay tan iyo markii la asaasay nidaamka maamulka gobollada oo lagu saleeyay qowmiyado, ka dib markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen xisbiga EPRDF.

Isbaddallada sida xowliga ah ku socdo ee uu hoggaamiyo Abiy ayaanan saameyn sidaas ku yeelan xisbiga haya talada ay ku buhoobeen afarta xisbi, waxaa jirtaa arrinta ah in geeska la gelinayo qowmiyadda Tigreega oo lagu tiriyo inay gaarayaan boqolkiiba 6 guud ahaan Itoobiya balse waxay qowmiyaddan si weyn uga dhex muuqatay dowladihii hore.

“Waxaan dooneynaa inaad tegto’

Xisbiyada siyaasadeed ee ka jira gobollada Amxaarada iyo Oromada waxay codasadeen in la joojiyo hadallada kala qeybsanaanta keeni karo, ninkii lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay Amxaarada waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qorayay ciidan maleeshiyaad ah.

Weriyaha waxaa uu sidoo kale, in uu booqasho ku tegay Dowlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan xero qaxooti oo ay degan yihiin dad gaarayo 700,000 oo kasoo barakacay dagaallada qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ku dhexmaray halkaas, waana dad ku dhibaateysan xerada.

Weriyaha waxaa uu sheegay inuu soo xusuusto hadal ay ku tiri haweeneey waayeel ah oo ku sugneyd xeradaas.

“Sib nabad ah ayaan ugu nooleyn deegaanka balse qowmiyadda Oromada ee degan halkaas ayaa nagu tiri “Tirada dadkiina sare ayay u kaceysaa, waa in aad halkan isaga gurtaan”.

Dhibaatooyinka soo wajahay Abiy Axmed waxay hoosta ka xariiqeysaa mucaaradada lasoo dersi karto hoggaamiye kasta oo doonayo inuu isbadallo ku sameeyo dal soo maray xukunno kalitalis ah balse waxaa aanan meesha ka bixi doonin maamulada diktaatooriyadda ee ku saleysan qowmiyadaha.

Ra’iisul wasaare Abiy waa hoggaamiye horusocod ah oo ka shaqeynayo isbaddallo loo dhan yahay guud ahaan dalkaas.

Abiy Axmed waxaa hadda la gudboon in si taxaddar ah uu ku wato howlahiisa siyaasadeed balse howlgalladii lagu soo xiray in ka badan 250 qof waxay dhibaato kale kasii abuuri karaan gobolka Amxaarada.

Khadkii Internetka ee dhawaan la jaray waxaa looga gollahaa in mucaaradka la aamusiiyo balse taasi waxay kasoo horjeeddaa furfurnaansha uu ballan qaaday Abiy Axmed, dalka waxaa harreeyay warar been ah oo laisla dhexmarayay.

Abiy Axmed

  • Waxaa dhalay aabe muslim ah iyo hooyo kiristaan ah, 15-kii bishii Agosto sannadkii 1976-kii.
  • Waxaa uu ku hadlaa luqadaha kala ah Afaan Oromo, Amxaarik, Tigrinya iyo Ingiriiska.
  • Waxaa uu kamid ahaa ciidammadii Itoobiya ee nabad ilaalinta u joogay Rwanda sannadkii 1995-kii.
  • Siyaasadda waxaa uu kusoo biiray sannadkii 2010-kii.
  • Muddo yar ayuu hayay xilka wasiirka seyniska iyo teknooloojiyadda dalka Itoobiya sannadkii 2016-kii.
  • Waxaa uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya bishii April sannadkii 2018-kii.

Sannadka nagusoo aadan ayaa lagu wadaa in Itoobiya ay doorasho ka dhacdo balse saraakiil sare oo Itoobiyaan ah ayaa shaki ka muujinayaa in xilliggaas doorasho la qaban doono, sannadkii lasoo dhaafay waxaa la qaadacay doorashooyinkii maxalliga ahaa amni darro aawadeed.

Weriyaha BBC waxaa uu sidoo kale sheegay inuu sannadkii hore la kulmay madaxa guddiga doorashooyinka Birtukan Mideksa oo iyadu horraan kamid aheyd mucaaradkii dibad jooga ahaa ee cafiska loo fidiyay.

“Waxaa loo baahan yahay iskaashi si ha’yadaha dowladda looga dhigo kuwo ku shaqeeyo dimuqraadidda, in la helo doorasho micno leh iyo warbaahin xor ah….balse waxaan wakhtigan ku tallaabsan doonaa isbaddallo” ayay tiri.

Hadda waxay ka digeysaa in wakhtigii la qaban lahaa doorshada uu dib u dhac ku yimaado.

Xilli ay wareysi siineysay wakaaladda wararka ee Reuters waxay tiri “Haddii xaaladda amni ee dalka aysan soo hagaagin, codbixiyeyaasha kuma oran karno codeeya”

In dib loo dhigo doorashooyinka Itoobiya waxay u muuqataa inuu ka dhalan karo kala qeybsanaan.

Caqabadda ugu weyn ee heysato Ra’iisul wasaare Abiy waxay tahay sidii uu isbaddallo ugu sameyn lahaa hoggaanka maamulada ku dhisan qowmiyadaha.

Waxaa laga doonayo inuu isku dheelitiro danaha dowladda iyo qowmiyadaha

Isbaddelada uu wado waxa ay u baahnaan doonaan xakamayn, iyo sidoo kale dheelitir danaha is diidan ee kooxaha dowladda ku wada jira. Inkasta oo ay ku jirto tamar badan oo dhallinyaronimo ah, haddane waxa uu u baahan doonaa waayo-aragnimo.