Itoobiya oo Bilaabaysa Dacwado Kadhan Ah Qurbajoogta Baraha Bulshada Nacaybka Kufaafiya

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Dhawaan ayay ahayd markii Raisul wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed uu baarlamaanka kahor sheegay dhibaatada qurbajoogta asal ahaan itoobiya kasoojeeda.

Hadaba waxaa soo ifbaxday in markii uhoraysay ay dawladu adeegsanayso, golaha Ethiopian American Civil Council, oo ah mid kasharciyaysan dalkan maraykanka iyo wadamo kale oo caalamka ah, si ay dacwado toosa uga gudbiyaan shaqsiyaadka iyo warbaahinta gaaka loo leeyahay ee faraha kulajira arimaha iskudhaca qoomiyadaha, diimaha, qabaa,ilka iyo isirka abuuraya.

Golahan ayaa awood uleh inuu dacwad kusoo oogo qofkasta oo samaynaya wax lidi ku ah amaanka iyo jiritaanka dalka itoobiya, iyagoo adeegsado qareeno iyo sharciyaqaano arimahan ku xeel dheer.