Itoobiya: Mayor Magaalo Oo Gurigiisa Lagu Dhex Dilay

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa waxa ka jirta xiisad sababtay dhimashada mayorka magaalo ku taalla galbeedka, kaas oo gurigiisa lagu dhex dilay.

Galbeedka deegaanka Oromiya ayaa waxa ka socda dagaallo u dhexeeya OLF oo ah jabhad muddo dheer dagaal kula jirtay Itoobiya iyo Ciidamada Milateriga, waxaana la sheegayaa in uu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Geerida gilgishay gobolka ee illaa hadda la soo sheegay ayaa waxay tahay, in maayarkii magaalada Guliso lagu dhex dilay gurigiisa, waxaana lagu eedeeyey in dilkaas ay fuliyeen ONAG Shane.

Wali dawladda Itoobiya war rasmi ah kama soo saarin dagaalladan, hase yeeshee, dhawaan ayaa waxay ciidamada cirku duqeeyeen buuralayda Oromada, halkaas oo la sheegay inay isku urursanayeen jabhad kasoo horjeedda isbeddelka dalka ka dhacay.

Be the first to comment