Israa’iil Oo Raadinaysa Muwaadin Lagu Waayey Itoobiya Iyo Deegaanka La Tuhunsan Yahay Ee Laga Raadinayo

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Dawladda Israel ayaa ku dhawaaqday in muwaadinad u dhalatay dalkaas lagu la’yahay dalka Itoobiya, halkaas oo uu ay u tagtay dalxiis.

Aya Naemana oo ay da’deedu tahay 22 jir, kana timid Magaalada Galilee ee Arraba, ayaa lagu waayey saxaraha Danakil ee dalka Itoobiya, waxaana illaa hadda la raadinayaa raq iyo ruux meel ay dhigtay.

Naemana oo ka mid ahayd koox ka timid waddanka Israel oo takhasus ku ah technology-yada, ayaa waxay dhigan jirtay machadka Israel Institute of Technology, waxaanay cilmi-baadhis ka samaynaysay dalka Itoobiya, hase yeeshee kooxda ayaa qaybsantay balse sida ballantoodu ahayd waxay iskugu imanayeen goob cayiman, taas oo Naemana aanay muddo sagaal saacadood iyo ka badan imanin xilli uu kulayl daran ka dhacayo saxaraha ay markii ugu dambaysay maraysay.

Duqa magaalada Arraba oo lagu magacaabo Omar Nassar ayaa waxa uu sheegay inay xidhiidh joogto ah la samaynayaan wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkooda Israel, ayna filayaan in ay war wanaagsan maqlaan, laakiin wasaaradda Arrimaha dibedda Israel ayaa waxay iyaduna sheegtay in saacadihii hore ee subaxnimo ee Sabtidii ay heleen warka sheegaya in muwaadin dalkooda ah oo ay da’diisu tahay illaa 21 jir oo u socdaalay saxaraha Itoobiya ee Danakil, kana mid ahaa wefti farsamoyaqaano ah ay jidkii ka luntay xilli ay baaskiilad ku safraysay.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Israel waxay intaa ku dartay in gabadhaasi ay kooxdii kale ee la socotay ay waayeen, sidoo kalena ay iman weyday halkii ay ballantoodu ahayd inay iskugu yimaaddaan marka ay safarkooda soo dhamaystaan.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibedda Israel waxa kale oo uu intaa ku daray in markii ay warka maqleen in ay xidhiidho la sameeyeen wakiilladooda jooga Qunsuliyaddooda Addis Ababa, loona diray ciidamo iyo kooxo wax baadi-doona oo soo raadiya Aya Naemana.

Ugu dambayn, wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israel waxay sheegtay inay isku dayi doonto in baadhitaanno dheeraad ah la sameeyo amaba kuwa socda lasii horumariyo.