Israaiil Oo Duqaymo Ku Bilowday Qaza, Cuno-qabatayn Cusub Oo La Saaray Shacabka Iyo Dhibaatada Ka Taagan Falastiin

Gaza (JigjigaOnline) – Diyaaradaha Dagaalka ee Isreal ayaa duqeeyay Goobo ay leeyihiin Ururka Xamaas, xilli hore oo Isniinta Maanta ah, kuwaasi oo ku yaalla Magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta.

Duqaymaha Diyaaradaha dagaalka ee Isreal ka geysteen Qaza ayaa la sheegay inay jawaab u yihiin dhowr Gantaal oo Isreal lagaga soo tuuray dhinaca Qasa, sida uu ku warramay Telefiishanka Al-jazeera oo JigjigaOnline soo xiganayo.

Laakiin, Afhayeen u hadlay Xamaas oo Magaciisu yahay Hazem Qassem ayaa genafka ku dhuftay eedaymaha ah in Xamaas masuul ka tahay Madaafiic Qasa laga tuuray oo ku dhacay gudaha Dhulka Isreal, waxaanu Afhayeenku sheegay in aanay gantaallada ku dhacay Isreal masuul ka ahayn Ururka Xamaas.

Xilli hore oo Isniinta Maanta ah ayaa Millateriga Isreal sheegay in Saddex Gantaal oo laga soo riday Qaza ay ku dhaceen Koonfurta Isreal.

“Iyadoo laga jawaabayo (Gantaalladaasi), diyaaradaha Dagaalka ee Isreal waxay duqeeyeen Tiro ka mid ah Goobaha Ururka Argagixisada ah ee Xamaas.” ayaa lagu sheegay War Qoraal ah ka soo baxay Millateriga Isreal.

Masuul ka mid ah Laamaha Amniga ee Falastiiniyiinta ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in  duqaymaha Diyaaradaha Isreal ka geysteen Qaza aanay ka dhalanin khasaare dhimasho ama dhaawac ah.

Dhinaca kale, Israel ayaa maanta sheegtay inay ilaa badh dhimeyso shidaalka ay siiso shirkadda kaliya ee korontada u qeybisa magaalada Gaza, iyada oo ka jawaabeysa gantaallo ay sheegtay in lagaga soo tuuray magaaladaas.

Militariga Israel ayaa sheegay in axaddii saddex gantaal oo laga soo tuuray goobo ay maamusho Xamas ay kusoo dhaceen koonfurta Israel, halka laba gantaal oo kale dhexda laga qabtay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda gantaalladaas.

Kadib weerarkaas ayaa ciidamada Israel waxa ay duqeeyeen wax ay ku sheegeen dhisme ay leedahay kooxda Xamas. Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarada labada dhinac.

Bayaan kasoo baxay guddiga COGAT oo arrimaha bulshada u qaabilsan militariga Israel, ayaa lagu sheegay “in dhimista shidaalka ee illaa iyo bar ay si weyn u yareyn doonto” wax soo saarka warashada korontada Gaza.

Bayaanka ayaa lagu yiri “kadib gantaalladii lasoo tuuray iyo sii socoshada waxyeeleynta xaaladda amniga iyo xasiloonida, tallaabadan waxay socon doontaa illaa amar dambe.”

Gaza ayaa muddo dhibaato ku qabtay koronto la’aanta iyo korontada oo si joogta ah u tagta.

Mohamed Thabet oo ah afhayeenka shirkadda korontada Gaza ayaa tallaabada Israel ku qeexay “ciqaab wadareed.”

“Horey ayaan dhibaato u qabnay, iminkana go’aanka Israel waxa uu kasii dari doonaa xaaladda. Waxay saameyn xun ku yeelan doontaa nolosha laba milyan oo qof iyo adeegyada muhiimka ah ee isbitaallada” ayuu Thabet u sheegay Reuters.

Be the first to comment