Israa’iil Oo Dadkeeda U Adeegsaneysa Qalabkii Ay Cadowga Isaga Ilaalineysay

Tel Aviv (JO) – Hirsh Kotkovsky wuxuu xageyga usoo jeediyay telefoonkiisa gacanta, laakiin 2 mitir waxba kama aqrin karo maadaama aan la oggoleyn inay dadka isku dhawaadaan.

Waxaan ku dhex jirtaa goobta banbooyinka looga gabbado ee ku taalla qeybta hoose ee gurigiisa, halkaasoo ah meesha kaliya ee uu ku shaqeyn karo kaddib markii studio-giisa loo xiray xayiraadda lasoo rogay awgeed.

“Waan argagaxay,” ayuu yiri, isagoo ii aqrinaya farriin ay usoo dirtay dowladda Israa’iil.

“Waxaa farriinta la iigu sheegayay inaan garab taagnaa qof qaba xanuunka corona… sidaas darteedna la iga doonayo inaan si toos ah karantiil u galo.”

Wuu u hoggaansamay amarkaas oo la siiyay dabayaaqadii bishii March, wuxuuna iska baajiyay munaasabado aroos ah oo uu damacsanaa inuu sawirro iyo muuqaallo kasoo sameeyo.

Wuxuu ka fogaaday xaaskiisa iyo carruurtiisa, inkastoo markaas xitaa aysan ka muuqanin wax calaamado ah oo cudurka ku saabsan.

Mr Kotkovskykumannaanka qof ee ay dowladda Israa;iil u dirtay farriimaha noocaasoo kale ah.

Dagaalka ka dhanka ah coronavirus waxaa toos uga qeyb qaadaneysa laanta amaanka qaran ee Israa’iil – Shin Bet – taasoo qalab casri ah u adeegsaneysa inay xakameyso dhaqdhaqaaqa dadka.

Israa’iil oo ah dalka ugu awoodda badan dhinaca adeegsiga internet-ka ee guud ahaan gobolka Bariga Dhexe waxay qalab casri ah oo tiknoolojiyad ku dhisan u adeegsaneysaa la dagaallanka cudurka Covid-19, xilli dalalka caalamka ay ka fakarayaan sidii la isugu dheellitiri lahaa xakameynta cudurka iyo ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee dadka.

Hay’adda amaanka qaran ee lagu magacaabo Shin Bet waxay ogaan kartaa xogta ku saabsan halka ay ku sugan yihiin malaayiin qof oo isticmaalaya telefoonnada gacanta, waxayna garan gartaa meelaha ay tagayaan dadka la xaqiijiyay inay cudurka qabaan.

Israa’iil waxay qalabkaas iyo waxyaabo kaleba u adeegsaneysaa si ay u yareyso tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka.

Tirada dadka maalintii la xaqiijinayo waxay hadda hoos ugu dhaceen wax aan gaareynin 100.

Dhimashadana tiradeedu wali way hooseysaa, iyadoo hadda taagan 252 ruux.

Dukaamo badan ayaa dib loo furay, qaar ka mid ah fasallada iskuulladana waa la billaabay mar kale. Waxay xaaladdu u muujataa in mowjaddii ugu horreysay ee cudurka ay sii dhammaaneyso.

“Hadda waa xilliga aan ugu baahi badan nahay qalabkan… si loo kala dhantaalo fiditaanka xanuunka dadkana loogu oggolaado inay howlahooda wataan.” sidaas waxaa yiri Meir Ben-Shabbat oo ah la taliyaha Amniga Qaranka, xilli uu ka hadlayay shir ay isbuucii lasoo dhaafay ugu yeereen guddiga kormeerka ee baarlamaanka.

Laakiin waxaa dood laga keenay awoodda xad-dhaafka ah ee ay hay’adda amniga qaranku u adeegsaneyso arrintan, waxaana xitaa loollan lagu galiyay maxkamadda ugu sarreysa Israa’iil.

Waxaa su’aalo badan laga keenay qaabka ay shaqadeeda u waddo. Dhakhaatiirta ayaa ku eedeynaya inay dadka ka mashquulinayaan baaritaanka la xiriira coronavirus.

Hay’addaas ayaa hadda isku baddashay laan u shaqeyneysa sidii wasaaradda caafimaadka, iyadoo markii hore howsheedu ay u badneyd inay cadowga ka ilaaliso Israa’iil, sidoo kalena ka hortagto weerarrada argagaixisa.

Howlaheeda ugu waaweyn ee kale waxaa ka mid ahaa inay si joogto ah ula socoto dhaqdhaqaaqyada kooxaha Falastiiniyiinta ah ee ku sugan dhulka la heysto.

Hababka ka hortagga argagixisada

Arik Brabbing wuxuu iska hoos isaga dajiyay maaskaro uu xirnaa wuxuuna qaadanayaa neef, isagoo ku sugan hawada diirran ee magaalada Tel Aviv.

Aad baa loo yaqaannay muddadii sodonka sano ahayd ee uu la shaqeynayay hay’adda Shin Bet, magaciisa uu ku howl galana wuxuu ahaa “Harris”.

Waxaan labada dhinac ee geeska ah ka kala fariisannay kursi dheer oo dhex yaallay beer lagu nasto.

Ninkan horay u ahaan jiray sirdoonka wuxuu ii sharraxay sida uu ku gaaray ilaa heer uu madax ka noqday waada basaaska internet-ka.

Hadda oo uu howlgabay wuxuu sheegayaa in tiknoolojiyadda loo adeegsado ka hortagga falalka argagixisada xilligan loo howlgaliyay la socodka iyo fashilitaanka dadka qaba cudurka Covid-19.

“Waa isla qalabkii, iyo islahabkii loo adeegsanayay,” ayuu yiri. “Waan ognahay inuu qof joogay beertan dhexdeeda, shirkadda telefoonka adeeggiisa bixisa ayaan ka helnaa xogta oo dhammeystiran, oo ku saabsan xilliga iyo xoogta uu qofka ku sugan yahay… waliba waxaan fahmi karnaa dadka kale ee agagaarkiisa jooga.”

Su’aali badan ayaan weydiiyay – qaar wuu iiga jawaabay, kuwo kalena wuu ka gaabsaday.

Waxaan ku iri: “Dadka si toos ah maloo ogaan karaa halka ay joogaan iyo isla daqiiqadda ay markaas tahay? Wuxu igu yiri: “Kama jawaabi karo su’aashaada.”

Waaxdan waxay aaminsan tahay in qalabkoodu uu la socdo dhaqdhaqaaqyada ilaa 4,000 oo qof oo qaba coronavirus.

Hase ahaatee waxaa laga deyrinayaa waxyaabaha kale ee ay dadka ka ogaan karaan arrimahooda gaarka ah. Ku dhawaad 79,000 oo ruux ayaa loo diray farriimo loogu sheegayo waxyaabo la xiriira cudurka.

Cabdi laga qabo tacaddi

Uururka caafimaadka dadweynaha ee Israa’iil ayaa xildhibaannada baarlamaanka u sheegay in barnaamijkan uu sare u qaaday “suurtagalnimada khaladaadka ku saabsan fayraska oo dhaca”, iyagoo sheegay in “isu dhawaanshaha” loola jeedo masaafe ka yar 2m oo la isu jiro wax ka badan 15 daqiiqo.

Mr Brabbing wuxuu sheegay in qalabka uu cabiri karo inta ay labada ruux isu jiraan.

Dad kale waxay aaminsan yihiin in adeegsiga qalabkan kormeerka ah uusan u qalmin cudurka faafaya, balse uu yahay mid tacaddi ku ah adduunka oo dhan.

“Waxa i argagax galinaya waa in ugu yaraan hadda in xaaladdii caadiga ahayd ay isbaddaleyso,” ayuu yiri John Scott-Railton, oo ka mid ah khubarada inter-netka ee sheybaarka jaamacadda Toronto.

“Dad si qarsoodi ah wax u sameynaya, su’aalo badanna la galinayo howshooda ayaa haddana ku dhahaya waan ku ilaalineynaa,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Micky Rosenfeld ayaa ka mahad celiyay “shaqada wanaagsan” ee ku saabsan la dagaallanka fayraska.

“Ma aannaan gaarin heer ay boqollaal qof isbitaallada noo seexdeen… laakiin waxaan ku dadaaleynaa inay xaaladdu sida ay tahay kasii fiicnaato,” ayuu yiri.

Golaha Wasiirrada ayaa ballan qaaday in barnaamijkan sharciga la waafajin doono kaddib markii ay dacwado ka dhan ah maxkamadaha u gudbiyeen ururrada u dooda xuquuqda aadanaha.