Iran Oo Gacanta Ku Dhigtay Markab Biyaheeda Kusoo Xad-gudbay Iyo Xogaha Kasoo Baxay

Tehran (Jigjigaonline) – Iran ayaa sheegaysa in ay gacanka ku hayso Markab ajinabi ah iyo 12 shaqaalaha markabka, kaasi oo siday shidaal.

Warbaahinta Qaranka Iran ayaa soo xigatay ilaalada badda kuwaasi oo sheegay in markabka uu waday shidaal gaaraya ilaa hal milyan oo litar.

Weli lama xaqiijin in uu markabkaasi yahay Riah oo fadhigiisu yahay Imaaraadla Carabta.

Iran ayaa sheegtay bilowgii toddobaadkan in ay caawinayso markabka oo halaabay.

Balse Iran oo aan magacaabin markabka Riah, ayay sheegtay in markabka ay ay usoo jiidday dhanka biyaheeda oo ay haatan gacanta ku hayaan.

Xasaradda ka taagan gacanka ayaa cirka isku sii shareereysay tan iyo markii uu Mareykanka sii adkeeyay cunaqabtaynta shidaalka Iran ka dib markii uu si ula kac ah uga baxay heshiiskii niyukleerka Iran ee sannadkii 2015-kii.

Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ka dambeysay laba weerar oo lagu qaaday Maraakiib shidaal oo marayay gacanka, balse Iran ayaa gaashaanka u daruurtay edeyntaasi.

Iran ayaa sidoo kale soo ridday diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin ah oo uu Mareykanka lahaa.

Dhanka kale Maraakiibta dagaalka ee UK ayaa markaakiibta shidaalka ee Birtain ilaaninayay tan iyo markii ay iran ku hanjabtay in ay qafaalan doonto maraakiibta shidaalka ee UK, taasi oo jawaab uga dhigaysay markab Iran ay leedahay oo ay Britain ku qabatay xeebta Gibraltar.

UK ayaa sheegtay in markabka shidaalka looga shakiyay in uu baal maray cunaqabteenadii Midowga Yurub ee Iran.

Muxuu salka ku hayaa khilaafkan?

Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay uranium-keeda.

Heshiiskii 2015 ayaa waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sanadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu soo dalkaasi ku soo rogay.

Mareykanka ayaa waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.

Baarayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale waxa ay bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyeen ama kooxaha ay baritaarto inay walxaha qarxa u adeegsanayaan inay ku waxyeeleeyaan maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaysa Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Tahraan ayaa iska fogaysay eedahaasi.