“Intaasi wixii Dheer waa Hal Bacaad lagu Lisay, Annana Huf iyo Been baanu Nidhi!” – Mohamed Olad Oo Ka Hadlay Arrimo Muhiim Ah

Jigjiga (JigjigaOnline) – Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Saxaafadda, Mudane Maxamed Colaad ayaa ka hadlay xaaladda deegaanka iyo arrimo hadal-hayn badan reebay oo toddobaadyadii ugu dambeeyey ka taagnaa deegaanka.

Maxamed Colaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa  uu ku sheegay inay mudan tahay in siyaasiyiinta hanka leh ee uu damacu hayo ay bannaanka yimaaddaan oo ay dadka ku qanciyaan maba’a iyo siyaasadda ay rumaysan yihiin.

Qoraalkan oo uu bartiisa Facebook ku baahiyey Maxamed Colaad ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Intaasi wixii Dheer waa Hal Bacaad lagu Lisay, Annana Huf iyo Been baanu Niri!

Waxaa la joogaa wakhtigii cid waliba oo qabta fikir siyaasadeed ay ku mashquuli lahayd kali ah sidii ay uga gadi lahayd shacabka!

Taariikhda, tii dhow iyo tii durugsan ba, waxaa loo odolosaa waa sidee wax laga korodhsadaa ayna u sahashaa fahanka iyo meel ku tiirinta marba marxalada maalkaasi taagan. Waayaha iyo wacyiga siyasadeed ee deegaanka shalay iyo maantana waa kaaf iyo kala dheeri. Xaalada iyo xaqiiqda siyaaddeed ee maanta marka loo eego soddon sano, labaatan sano, laba sano, ama laba bilood ka horba waa mid kaaf iyo kala dheeri ah.

Mid ka mid ah wacyiga is bedelay waa hanaanka iyo wadada is bedel siyaasadeed lagu hindisi karo ama ba lagu hanan karo. Dulucda hadalkayguna waa, hadii hada ka hor is bedel kasta oo siyaasadeed oo ka dhaca deegaanka uu ahaa mid mar waliba xagaasi iuo buuralayeda kore ka imaan jiray, hada jidkaasi waa soo gaabtay. Ma na aha maanta waxa uu jidkaasi soo gaabtay, mana aha sidoo kale mid ku yimid kama’a ee waa mid ay horseeday wacyiga iyo baraaruga ummada Soomaaliyeed oo cirkaasi isku shareeray.

Waxaa tusaale gaaban taasi ugu filan is ku daygii is bedel siyaasadeed ee ugu dambeeyay iyo sida ay shacabka Soomaal gaasaanka ugu daruureen!

BBC Somali, Ma Waxay Dagaal Kula Jirtaa Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar?

DOOBBIILIHII JIGJIGA Oo Raadinaya Madaxweyne Mustafe, Ballanqaadkii Madaxtooyadu U Samaysay Oo Aan Fulin Iyo Qisada Noloshiisa Oo Dhamaystiran

Marka, waxaan tallo wax ku ool ah sad uga dhigi lahaa cid waliba oo damac siyaasaded sadriga ku haysa iyo sidoo kale, cid waliba oo saluug ka qabta geedi socodkeena siyaasadeed inay guntiga dhiisha uga dhigato sidii ay uga gadi lahayd shacabka deegaanka fikir waliba oo siyasadeed oo ay markaasi u aragto in ay maslaxo ugu jirto umadani.

Waa tahay!

Ma gobinimo gaaxday amase gooni isu taag laalmay ayaa kuu muuqda?

Hagaag!

Ka soo bax foosto-gobolada aad isku sar goysay oo fikirkaaga ku hasaawi shacabka deegaanka gees ka gees!

Ma xisbi ama xukuumad baad aaminsantahay inay la afduubay lagana haleeyay tubtii aad u arkaysay midii toosnayd?

Hagaag!

Kaalay hadaba abaabul, baraaruji oo ku qanci aragtida aad qabto taageerayaasha, xubnaha iyo hogaaminta xisbigaasi isaga si aad u xaqiijiso sidii loogu soo celin lahaa tubtaasi toosan ee kuu bidh bidhaysa adi.

Mise waxaad qabtaa in xisbul-xaakim kani iyo xukuumadiisuba in aanay istaahilin sii hogaaminta umadan tahayna in heeryadiisa iyo kabaalladiisa laga dulqaado?

Hagaag!

Tow dheh hadaba, fadhigana ka kac oo la imoow fikirkii, hanaankii hay’adeed iyo waliba tabtii iyo xeeladii aad ku xaqiijin lahayd in uu noqdo fikirkaasi mid soo jiita dareenka shacabka is la markaana ka turjumaya hanka, himillada iyo waliba kolba walaaca ay ummadani qabto.

Mise waxaa kuu muuqda musuq, eex, qabyaalad, nin jeclaysi, maamul xumo amase hagardaamo ku habsatay ummadani?

Hagaag!

Hadaba iskeen fagaaraha iyo saylada aaraa’da adiga oo doodaada gun dhig uga dhigaya cadaymo biyo ka ma dhib caan ah ‘na tus oo na taabsii’. Halkaa hadana ha ku joogsane, hurdada ha ladin ilaa inta aad shacabka ku qancinayso inay kula dareemaan waxa aad dareemayso oo aad hadana gaadhsiiso meel ay kaaga garaabaan hagardaamadaasi la la maagay ilaa ay afkoodan iyo adinkoodaba ay ula tagaan.

Ilaahay baa ina lehe, xaga dambe ka mar oo ugu tag goob waliba oo ay joogaan magaalo iyo miyi; hadii ay tahay guryahooda, goobahooda cibaado iyo kuwooda waxbarasho, amase masrax waliba oo ay isugu yimaadaan. Ku qanci hadii aad maareyn karto inay u baroortaan kor iyo hoos, iyagoo gaar ah ama iyaga oo wada jira, hadii ay banaan isugu soo bixi, hadii ay barkinta hoosteed ka ooyi, iyo hadii ay baradood af dhabaan-dhabi oo gadhka iyo lawyada meel isugu gayn ba.”

Be the first to comment