Inqilaabkii Fashilmay Ee Saraakiisha Reer Woqooyiga 1961 (Qaybta 2aad)

Hargeysa (JO)- Akhristayaasheena Sharafta Mudan waxa aan halkan ugu soo gudbin doonaa qaybta labaad ee Inqilaabkii ay Soomaaliya ka sameeyeen sannadkii 1961 saraakiil Milatari oo reer Woqooyi ahi iyo fashilkii ku yimid inqilaabkaasi oo qaybtiisii koowaad aan hore idiinku soo gudbinay.

Ciidanka Somaliland Scouts-ku wuxuu ahaa ciidan Ingriisku aad u tabobaray. Suurtogal ma ahayn in askarta hortooda aad ku qabatid kornaylkii ciidanka taliyaha ka ahaa iyo sarakiishii kale oo kaa derajo sarreeya. Waxaanu ku heshiiney in uu Siciid Cali- Giir, 12-ka askari ee miiska saraakiisha ilaaliya ku “rigiiyo” albaabka laga baxo; inta saraakiisha aanu ka kaxeynayno miiska.

Sidii ayuu yeelay; muddo aan ka badnayn nus saac ayay nagu qaatatay saraakiisha qabashadoodii. Waxaanu gaynay gurigii aan deganaa oo ka soo hor jeeda miiska saraakiisha. Maanta waxa ku nool Cabdillaahi-Dirawal oo ka mid ahaa saraakiishii SNM. Waxaan xasuustaa hadalkii uu nagu yidhi Kornayl Maxamed Caynaanshe;

Halkan ka daawo:

Be the first to comment