Ilhaan Cumar Oo Ku Biirtay Dadka Ku Baaqaya In La Baadho Sababta Dhimashada Mursi

New York (Jigjigaonline) – Haweenayda Soomaaliyadda ah ee ka mid ah Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhan Omar ayaa ku baaqday in baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo dhimashada Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi.

Mohamed Morsi ayaa Allaah ha u naxariistee waxa uu Geeriyooday isagoo taagan Maxkamad Dacwadda loo haysto lagu dhegaysanayey, ka dib markii uu Suuxay, suuxdintaasi oo aanu dib uga soo laaban.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku biirtay Dadka ku baaqaya in Baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo Dhimashada Mohamed Morsi, si loo hubiyo inuu is Caadi ah u dhintay iyo in la dilay, waxaana baaqan oo kale hore u soo saaray Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha u dooda, sida Amnesty International, Human Rights Watch.

Maxamed Mursi ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxa ka mid ahaa inuu xidhiidh la lahaa Ururrada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Hezbollah.

Mursi oo da’diisu ahayd 67 jir, ayaa xabsiga ku jiray illaa sannadkii 2013-kii oo Milletarigu uu xukunka ka tuuray.

Ilhaan Cumar oo Qoxootinimo ku gashay dalka Maraykanka, Aqalka Congress-ka Maraykankana loo doortay Sannadkii 2018-kii, ayaa hore uga hadashay Gabood-fallada ka dhanka ah Xuquuqda aadamaha ee Masar ka jira.

Bishii la soo dhaafay ee April ayay Ilhaan ku baaqday in la soo daayo gabadh lagu Magacaabo Huda Abdulmonem, taasi oo ah Looyarad u doodda xuquuqda aadamaha oo la xidhay iyada iyo 18 xubnood oo kale, sida uu daabacay News Arab oo HCTV soo xigtay.

Maxamed Mursi ayaa Meydkiisa la aasay Toddobaadkii hore.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Mohamed Mursi ayaa si lama filaan ah ugu dhex-dhacay xayndaabka dacweysaneyaasha ee maxkamadda dhexdeeda, waxana uu galay koomo uu kasoo laaban waayey.

Inyar kaddib waxa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimuquraadi ah loo soo doortay ee dfalka Masar uu yeeshay.

Warbaahint dalka ayaa baahisay dhimashadiisa, laakiin layaabka dhacay wuxuu ahaa in aanay marnaba soo hadal qaadin inuu soo noqday madaxweyne.

Qoyskiisa ayaa dalbaday in lagu wareejiyo meydkiisa oo ay ku aastaan gobolkii uu kasoo jeeday ee Sharqiya, laakiin dawladda ayaa ka diiday, waxaana lagu aasay magaalada Qaahira iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamo aad u tiro badan, waxaana xabaasha joogay xubno tiro yar oo ka mid ah qoyskiisa.

Wiil uu dhalay Mohamed Mursi ayaa bartiisa Facebook ku daabacay qaabkii dawladdu ugu diiday in meydka aabbihii ay iyagu aastaan, waxaana uu sheegay in laga hor joogsaday, si cadna loogu diiday in gacantooda lasoo geliyo meydka oo ay ku aasaan halkii uu ku dardaarmay in lagu duugo oo ah gobolka uu kasoo jeedo ee ay qoyskiisuna deggan yihiin.

Haddaba, sidee ayey ku timid geerida Mohamed Mursi? Miyaa la dilay? Ma Isagaa is dilay mise si kale ayay wax u dhaceen?

Maqaal uu salaasadii daabacay wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa waxa uu soo bandhigay shirqoolkii lagu khaarajiyey madaxweyne Mursi, kaas oo qaab qarsoodi ah loogu dhex dilay maxkamadda.

Maqaalkan oo ay qortay Mona Eltahawy, qoraallo badan iyo doodo badanna ka samaysay ficillada axmaqnimada ah ee Abdelfatah el-sisi ku dhaqaaqay markii uu xilka qabtay iyo xasuuqii ba’naa ee uu u geystay dadkii lagu tuhmayey inay ka tirsan yihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa waxay soo bandhigtay daliillo cadcad ah oo muujinaya qaab silic ah oo loo dilay Mursi.

Sida ay Mona Eltahawy sheegtay, Mohamed Mursi waxay ahayd in maxkamadda la keeno maalintii Axaddii oo hore loo shaaciyey in la dhegaysan doono kiiskiisa, laakiin lama keenin, waxaana ay dawladdu ku andacootay in lala sugayey rag kale oo tiro badan oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo maalintii Isniintii la hor keenayey.

Markii Isniintii la hor keenay maxkamadda, waxa lagu xareeyey xayn-daabka maxkamadda oo qufulan, isla markaana lagu xidhay qalab aamusiiinaya codka Mursi oo si kasta oo uu u qayliyo aanu hadalkiisu dibeccda usoo baxaynin (Soundproof system).

Qareenkii u doodayey Mohamed Mursi ayaa hore usii sheegay in madaxweynuhu dhimanayo, waxaana uu shaaciyey sababta oo ah qorshe ay dawladda milateriga ee Sisi ay nafta ku dhaafinayso. Qareenku wuxuu sheegay in madaxweynaha oo xanuunno badan hayaan laga joojiyey daawooyinkii uu qaadan jiray, amaba sidii ku habboonayd aan loo siinin.

Mona Eltahawy waxay sheegtay in dawladdu diidday in xukunkii xabsi daa’imka ahaa ee lagu riday Mursi oo markii dambe laga dhigay 45 sannadood, waxaanay qaadatay go’aan ay culayskiisa iskaga fududaynayso.

“Lixdii sannadood ee ugu dambeeyey waxa lagu hayey ciqaab, waxaana qoyskiisa qoyskiisa la tusay saddex jeer oo kaliya.” Ayey Mona Eltahawy ku tidhi qoraalkeeda lagu daabacay New York Times.

Intaas kaddib, waxay Mona Eltahawy soo bandhigtay qaabkii loo dilay Mohamed Mursi, waxaanay tidhi: “Waxa uu qabay xanuunada Macaanka, Dhiig-kar iyo beer-xanuun. Waxa loo diiday daawooyinkii, kaddib qareenadiisa ayaa ka digay inuu dhimanayo.”

Qoraalkan waxa lagu sheegay in maalmihii ka horreeyey maxkamaddii Isniinta, in Mohamed Mursi loo diiday daawooyinkii uu u baahnaa, kaddibna la keenay maxkamadda si marka uu cadhoodo ay ugu kacaan Dhiigga, Macaanka iyo Beer-xanuunkuba.

Markii uu dhulka ku dhacay Mohamed Mursi, looma fidinin caawimo degdeg ah, waxaanay xukaamta iyo ciidamadii ilaalinayey daawanayeen muddo ka badan 20 daqiiqadood, taas oo keentay in xaaladdiisa ay waxba ka qaban kari waayeen dhakhaatiirtu markii cusbitaalka la geeyey.

Dhakhaatiirta ayaa ku dooday in haddii xilli hore loo keeni lahaa, in ay badbaadin kari lahaayeen, balse xilli uu naf-baxay oo aanay waxba u tari karaynin lasoo gaadhsiiyey.

Si kastaba ha ahaatee, xogtan waxay muujinaysaa in lasoo qorsheeyey dhimashada Mohamed Mursi, maxkamaddana caddayn looga dhigay inuu horteeda ku geeriyooday.

Xuquuqda qoraalka: Bahda Jigjigaonline.com