Hortayda Ayuu Ku Dilay, Dhegaha Ayuuna Dhiig Ka Keenay – Mid Ka Mid Ah Dhibbaneyaashii Jeel Ogaadeen Oo Ka Sheekeeyey Tacaddiyadii Uu Xasan Dheere Kula Kacay

Jigjiga (JigjigaOnline) – Ciidamada Nabadbelyada ayaa Sabtidii gacanta kusoo dhigay dambiile Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere) oo ahaa madaxii hoyga Ciqaabta ee Jeel Ogaadeen, halkaas oo kumannaan muwaadiniin shacab Soomaaliyeed ah loogu geystay dhibaatooyin badan.

Xasan Dheere oo ka mid ahaa gacan yareyaashii Cabdi Iley ayaa qaabilsanaa dilidda dadka lagu xidho jeel Ogaadeen, Ciqaabta aan joogsida lahayn iyo tacaddiyo sabab u noqday in intii ka badbaadday ay qaar badan oo ka mid ah waashaan, kuwo kalena naafoobaan.

Markhaatiyada dembiyada Xasan Dheere ayaan tiro lahayn, waxaana meel walba jooga shacab uu dhibaatooyin u geystay oo diyaar u ah inay cadaaladda horteeda ka caddeeyaan wixii loogu geystay gudaha Jeel Ogaadeen.

Haddaba, Cabdi Baaruud oo ka mid ah dhallinyaradii ku xidhnayd Jeelkaas ayaa waxa uu qoraal ka sameeyey qaybo ka mid ah dembiyada uu indhihiisa ku arkay ee uu Xasan Dheere geystay, kuwaas oo iskugu jira dil, ciqaab iyo aflagaaddooyin.

Qoraalkan hoose, waxa bartiisa Facebook ku daabacay Cabdi Baaruud, waxaana uu ku faahfaahinayaa wixii uu arkay intii uu ku xidhnaa Jeel Ogaadeen ee uu waliba sida gaarka ah gacantiisa ugu fulinayey Xasan Dheere.

“Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Xasan dheere Sida Aad ka aragtaan sawirka
Wuxuu ahaa Komishinkii Jeel Ogaden Jiif iyo Joog Noodiday Anagoo Maxabis ah oo rafaadsan
Wuxuu yidhi yayna seexan
Wuxuu yidhi yayna isla hadlin
Wuxuu yidhi dhiloyin ayaa idin dhalay
Wuxuu yidhi dhilooyin Ayaad wada qabteen
Wuxuu yidhi waxban oo xun xun
Wuxuu samayn jiray qaar naga mid ahaa inuu afka balastar ka saari jiray si ayna uhadlin xiliga cunto lasiinayo unbaa lagu furi jiray waxaan ka xasusta Ibraahim Didhiq cabdi wali Xayran Halgan Xasan
Macalin bilig
Waxaan xasuusta Nin Reer Wardher ah oo lawada yaqano oo la dhaho dholayare intuu dilay anaga hortayada inuu sanka iyo afka iyo dhagahaba dhiig uu ka keenay
Wuxuu kudilay hortayada Halgan Hasan oo uu meelo badan kajabiyay sida wajiga nabarka wayn ee kamuuqda
Wuxuu caan ku ahaa caarka Maxabista lagu shubo
Wuxuu caan ku ahaa cay iyo aflagado joogto ah
Wuxuu caan ku ahaa qiimayn joogta ah 24saacba oo bilaa hurdo ah waxyalihiibkale asxabtii ayaa xasuusan
Wuxuu sabtida iyo axada qaarkood nagu odhan jiray ii jaasa iyadoo xaalkayaga ilahay ogayahay hadaad diido dhib kabadan inaad jaasto ilaa duhur oo uu qosqoslo oo kali odayaal waawayn oo biri ma gaydo ah ayaa ujaasi jiray subaxa ilaa duhur meel cadceed ah
Wuxuu dhihi kuwan waawayn ee propagandhaga ku eedaysan Suuliyada ha maydhaan waxaan maydhi jiray suuliyo tiro badan oo ay ku saxaroodan 5000 kun oo Qof sikastaba wuxuu ahaa mujrim
Waxaan xasuusta wiilal yar yar oo ay Budh kudileen intay dhaheen way is fuleen
Ciqaabtisa waxaa Kamid ahaa taagni taas oo ugu darayd ciqaabihii Jeel ogadeen inaad dhawr habeen taagnato ciqaab ka xun abid ima soo marin
Bacdu waxay kugu Jiri wakhti koban ama waad dhiman ama waad bad baadi gidhibka sidoo kale niista sidoo kale lakin taagni ciqaab ka xun ima soo marin iyo Nin la odhan laba bilood yuuna hadlin ee marka Cuntada lasiinayo uun afka hakala qaado walahi yaab badan Ayaan kusoo aragnay meesha
Xasan dheere Xisaab badan ayaa lajirta akharo iyo aduunba.

Nina Kama Baxsan Karo,Cadaallada alle.”