“Haddii Muuse Biixi Adigu Keligaa Aad Keeni Karto Waa Hawl Kale Ee Noo Sheeg, Lakiin Annagu Muuse Xidhiidh Ayaanu Leenahay.” Sheekh Shariif

Muqdisho, June 11, 2020 (JO)- Madaxweynihii hore ee Somaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed, ayaa Raysal Wasaaraha Itoobiya ugu baaqay inuu ka dhex-baxo qadiyadda wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya, isagoo sheegay in uu kullankii Magaalada Addis-ababa ku dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo sanadkan bilowgiisii uu ahaa mid wax-yaabaha lagaga wadda haddal ay ahayeen qaar sii kale fogaynaya Somaliland iyo Somaaliya .

Sheekh Shariif oo war-baahinta kula haddlayey Magaalada Muqdisho, ayaa ugu horrayn ka haddlay dhibaatadii iyo tacadigii ku dhacay dadka Somaliland “ Walaalaheena reer Somaliland marar badana oo hore ayaanu u sheegnay dhib ayaa ku dhacday,shalay markii ay xorroobeen calanka iyaga ayaa noo keenay mid-nimada iyaga ayaa noo keenay, tabashadoodii si siyaasi ah in loo xaliyo ayey ahayd looma xalin , kadib haddana 1991kii markii uu burburkii yimiday iyaga oo aan joogin ayaa la tashaday .”ayuu sheegay Shariif

Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray “Wey isku tashadeen anniga iyo Madaxweyne Xasan labadii Xukuumaddood ee aanu kale hoggaaminaynay wadda haddal ayaanu la bilownay ujeedaduna waxay ahayd in aanu ka qancino wixii ku dhacay,dadka Somaaliyeed shalay baahidii ay isku qabeen ayay isku qabaan,waxay isku yihiin ayey isku yihiin inay isku soo laabtaan meel ayaa la soo gaadhsiiyey.”Ayuu yidhi

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Somaaliya ayaa ugu baaqay Dowladaha dariska gaar ahaana Itoobiya inay faraha kale baxaan arrimaha qadiyadda Somaliland iyo Somaaliya,waxaanu sheegay in kullankii uu gar-daadinayey Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Addisababa uu ku kulan siiyey Biixi iyo Farmaajo in wax-yaabaha lagaga wadda haddlay ay ahayeen qaar sii kale fogaynaya labada dhinac ee Somaaliya iyo Somaliland“ Aad ayaanu uga xunayhay berya dhaweyd waxa dhacayey wax-yaabo aanu ku fiicnayn Dowlad-nimada iyo dadka Somaaliyeed iyo taariikhdaba qadiyadaas waa qadiyad aan geli karin kaanbayn iyo hawlo gaar ah in looga faa’iideeyo,waa qadiyad xaasaasi ah oo aanay fiicnay inay derisku“ Dowladaha Jaarku “ay soo farageliyaan,markaa arrinta Somaliland waa qadiyad Qaran, waxay u baahan tahay wakhti waxay u baahan tahay fikir waxay u baahan tahay dadka Somaaliyeed inay iskaga wada yimadaan,markaa waxaan leenahay iyadana ciddii gacmaha kula jirtaa ha kale baxdo, dadka Somaaliyeed shalay iyaga ayaa isku yimi oo heshiiyey, Dowlada waa loo ogol yahay wadda haddal inay furto, lakiin arragti wadda haddal oo ku aadan arrimaha Somaliland ma hayno, keliya waxaanu maqalnay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya  inay isku arkeen Itoobiya ninka la yidhaah-do Madaxweyne Muuse Biixi ,kadib-na lagu balamay in la iskugu tago oo wax-yaabo badan laga haddlay, wax-yaabahaa laga haddlay waa wax-yaabo keeni karra in la sii kale fogaado xal in la raadiyo waa wixii loo sameeyey Dowlada waana wixii laga rabay, lakiin waxaan aaminsanayhaya wadiiqadaasi maaha wadiiqo fiican .”

Geesta kale Ex Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in aan Dowlada Itoobiya lagu kalsoonay dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Somaaliya , waxaanu xusay in aanay haboonay inay Itooobiya ay soo farageliso arrimaha Somaalida “Madaama ay dariskeena weli kalsooni badani oo aynu ku qabnaa aanay jirina kuma fiicna inay soo farageliyaan iyagu xataa, markaa waxaanu rabnaa walaalaheena Itoobiya laftigoodu inay ka taxadiraan arrimahaas, annagu waxaanu rabnaa kalsoonidii in la soo celiyo ee dadka Somaaliyeed iyo dadka reer Itoobiya ka dhaxayn jirtay,lakiin annaga maalin walba arrimaheena Dowlada Itoobiya inay gacmaha kula jirto  wax fiican mahaa .” Ayuu yidhi

Ugu Dambeyntii  sheekh Shariif ayaa  Raysal wasaaraha Itoobiya usoo jeediyey in uu ka dhex-baxo arrimaha wadda haddalada Somaliland iyo Somaliya, balse haddii loo baahdo u soo dhex geli karro “Haddii uu rabo inuu Somaliland maamulo halkana maamulo Jubaland iyo Geddona uu ciidan geeyo arrin Fiican maaha arrintaas, markaa waxaan leenahay annagu walaal-nimo ayaanu diyaar kuula nahay colaad ma qabno,waxaan rabnaa mugdiga jirana in la bixiyo waxa la qabanayona in aan isla naqaano, haddii Muuse Biixi adigu keligaa aad keeni karto waa hawl kale ee noo sheeg,lakiin annagu Muuse xidhiidh ayaanu leenahay dadka walaalahayo ee reer waqooyi xidhiidh ayaanu leenahay waanu isku fiicanahay waana Somali, waxaanu isku dirirnay annaga ayaa naqaan markii aanu kuu baahano annaga ayaa kuu yeedhayna ee noo kaadi .”ayuu sheegay Shariif  Sheekh Axmed Madaxweynihii horee Soomaaliya.

 

Be the first to comment